Danjire Nicholas Kay Oo Hargeysa Soo Gaadhay iyo Ujeedada Socdaalkiisa
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka dib Casuumad Xukumaddu u fudisay. Waxa uu ka soo kicitimay Garoowe oo uu shalay kulamo kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan
Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaadhay Caasimada
Somaliland ee Hargeysa ka dib Casuumad Xukumaddu u fudisay. Waxa uu ka soo
kicitimay Garoowe oo uu shalay kulamo kula qaatay Madaxweynaha Maamulka
Puntland. Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Somaliland Mawliid maxamed
Ibraahin, oo Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Ergayga ayaa sheegay inay
Somaliland iyo Nicholas kay ka wada shaqaynayaan arimaha bani=aadanimo “Waxaanu
soo dhaweynaynaa Nicholas Kay oo ah U qaybsamaha Somaliland iyo Somalia ee
Qaramada Midoobay. Waa markii labaad ee uu halkan yimaado mudo sanad iyo bil
ah. Sidaad ogtihiin Xafiiskan UNSOM(Xafiiska Nicholas Kay) waxa uu leeyahay
laba qaybood oo kala ah Siyaasadda iyo bani-aadanimada, sidaasi darteed mar
walba waynu ka tirsanahay xafiisyadan Hargeysa ee uu isagu maamulo, markaa
dhinaca aynu sida xooggaha uga wada shaqayno waxa weeye dhinaca Arimaha
bani-aadanimada” ayuu yidhi wasiir xigeenka khaarajigu. Amb: Nicholas Kay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu
ku faraxsan yahay imaanshiyihiisa Hargeysa, isagoo tilmaamay inuu kulamo la
yeelanayo Madaxweyne Siilaanyo iyo badi wasiiradiisa “Waxaa farxad weyn ii ah
inaan Hargeysa mar labaad imaado, waxaan joogi doonaa ugu yaraan maanta, waxaan
la kulmi doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiiro badan.waxa aan la kulmi doonaa
Madaxda Qaramada midoobay ee Somaliland ka shaqeeya, waxaanan kala hadli doonaa
sida ay bulshada somaliland ula shaqaynayaan” ayuu yidhi Mr Kay. Nicholas Kay ayaa ku sinaan sanad iyo bil ka hor yimid Hargeysa,
wakhtigaasi oo wax yar uun ka dambeysay markii xafiiskan loo magacaabay. Mr Kay
oo u socday wada hadalo uu la yeesho Madaxweyne Siilaanyo wasiirada ayaa wakhti
Casar ah ka caraabay Hargeysa ka dib markii ay isfahmi waayeen Madaxweyne Axmed
Siilaanyo. waxay isku mari waayeen sida ay u wada shaqaynayaan, maadaama oo
Nicholas Kay u sheegay madaxweynaha inuu sida Maamulada Somalia ula shaqaynayo,
balse Madaxweyne Siilaanyo ku adkaystay inay arintaasi wax u dhimayso
madaxbanaanida Somaliland, waxaanu ku wargaliyay Mr Kay inuu dalka degdeg uga
baxo islamarkaana aanu dib ugu soo noqon. Somaliland ayaa casuumad u samaysay wakhtigan Nicholas Kay, ilaa haddase ma sheegin wax iska bedelay Mawqifka Mr Kay eek u Aadan inuu Somaliland ula shaqeeyo sida Maamul Goboleedyada Somalia. Leave a comment |
|
Danjire Nicholas Kay Oo Hargeysa Soo Gaadhay iyo Ujeedada Socdaalkiisa
Hargeysa(Xogreebnews)Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka dib Casuumad Xukumaddu u fudisay. Waxa uu ka soo kicitimay Garoowe oo uu shalay kulamo k