Xisbiga UCID Oo War-Murtiyeed Kasoo Saaray Wadahadaladda Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga.

0
Monday August 18, 2014 - 19:45:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo War-Murtiyeed Kasoo Saaray Wadahadaladda Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiga UCID ayaa war-saxafadeed ka soo saaray wadahadalada u dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu marti galiyo dalka Turkiga. War-saxafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiga UCID ayaa war-saxafadeed ka soo saaray wadahadalada u dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu marti galiyo dalka Turkiga. War-saxafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiga UCID ayaa war-saxafadeed ka soo saaray wadahadalada u dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu marti galiyo dalka Turkiga. War-saxafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID
Date: 15th Aug 2014
Ref: SLFP/TM/SLS/MAM1
Ujeedo: War-Murtiyeed Ku Saabsan Wadahadaladda Somaliland iyo Somalia ee Turkiga
War-Murtiyeedkan Xisbiga Daryeelka iyo Cadaaladda ee UCID waxa uu ka turjumayaa Wadahadaladda Fooda inagu soo haya ee dhex-mari doona Dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Somaliya-duniddu u aqoonsan tahay:

Xisbiga UCID waxa uu qirayaa baaxadda uu leeyahay shirka ay Dawladda Jamhuuriyadda Turkigu hore ugu dhexdhexaadisey dhawaana ku dhexdhexaadin doonto Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, ujeedadiisuna tahay in ay labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ka wadahadlaan xidhiidhka siyaasadeed ee mustaqbalka labada dal ay yeelan doonaan.
Xisbiga UCID waxa uu nasiib daro u arkaa xaqiiqda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay uga baaqatey Shirkii ugu danbeeyey, sababo la xidhiidha Dawladda Somaliland oo ku mashquushey khilaafkii kala jabka keeney ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye. Sida xaqiiqdu tahay, waxa uu Xisbiga UCID ugu baaqayaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland in ay ku dadaasho sidii Danta Qaranku uga hormari lahayd tan Xisbigeeda. Dadaalka Xisbiga UCID, waxa uu yahay isla markaana uu dhiiri gelinayaa sidii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland si toosa oo habsami ah ugu qabsan lahayd hawsha Qaranka ee ay u xilsaaran tahay oo ah in ay u adeegto shacbiga reer Somaliland si ay uga midho dhaliyaan himiladooda halka ay yooyootanka siyaasadeed ee Xisbigii Dawladda isku dhiibtey shaqadeediina ugu baylihisey. (http://www.youtube.com/watch?v=a4HuPIqFwBI).
Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federalka ee Somalia in ay hore u sii wadaan Wadahadaladda isla markaana go’aan adag ka qaataan Arrimaha Masiiriga ah, sida qeexida iyo iftiiminta xidhiidhka labada dal; ee Somaliland iyo Somaliya.
Xisbiga UCID waxa uu si toosa u tilmaamayaa xaqiiqda ah in Qaranka Somaliland si toosa u buuxiyey wakhti hore Shuruucda Caalamiga ah ee dal looga baahan yahay sida ku tilmaaman Xeerka Caalamiga ah II, Qodobka 4aad, Farqadiisa 1aad ee Axdi-Qarameedka Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa.
Sidaa Darteed, Xisbiga UCID waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay dabada ka riixdo sidii Dawladda Federaalka Somaliya u dardar galin lahayd in ay si deg-deg ah oo niyad sami ah ku soo afjarto sidii Xeerka Caalamiga ah II, Qodobka 4aad, Farqadiisa 2aad ee Axdi-Qarameedka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa loogu dabaqi lahaa Shuruudda Qaranimo ee Somaliland.
Wadahadaladda inagu soo foolka leh ee ka dhici doona Jamhuuriyadda Turkiga, Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa Dawladda Jamhuuridda Somaliland iyo ta Federaalka Somaliya in ay tixgelin weyn siiyaan soo jeedinta talooyinka kor ku xusan ee Xisbiga UCID.
Xisbiga UCID waxa uu mahadnaq balaadhan u jeedinayaa Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga talaabooyinka saxda ah ee ay ku xaqiijineyso qaboojinta khilaaf ka dhex taagan Qaranka Somaliland iyo Kan Somaliya si ay wanaag iyo walaalnimo ugu soo afjarmaan si loo xaqiijiyo mihiimada deganaanshaha iyo xasiloonidda Geeska Africa.
Waxa uu Xisbiga UCID xasuusinayaa Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa iyo Guddoomiyaha Wakhtigan ee Golaha Amaanka dhiirigelinta sidii si macquul ah loogu soo afjari lahaa Shirka Turkiga ee fooda inagu soo haya, halka ay haboon tahay in la garawsado in 23 kii sano ee u dambeeyey dadka Jamhuuriyadda Somaliland baadigoob ugu jireen sidii ay Beesha Caalamka iyo Qaramadda Midoobay uga mid noqon lahayeen, halka intii lagu gudda jiray hawshan ay dhamaan dawladihii soo maray Somaliland: Aaney mar qudha xad-gudub ku sameyn xuduudaha caalamiga ah haddii ay tahay Somaliya amabase dalalka kale ee Somaliland xuduudaha caalamiga ah la wadaagto sida (Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Itoobiya).
Somaliland waxay gargaar u fidisaa dadka reer Somaliya yadoo magan galisey qaxoonti badan oo ka kala yimi Geeska Africa gaar ahaan dhinaca Somaliya halkaas oo Madaxweynaha hadda xilka ka haya ee Somaliya uu ka mid ahaa intii ka faa’idey gargaarka Somaliland isaga oo si qaxoontinimo ah ugu noolaa Somaliland.
Sida ku taariikhaysan qaybta III(b) ee warbixintii Gudidda Xaqiiqa Raadiska Midawga Africa 30/04/2014-04/05/2014, in ay Somaliland leedahay dhul mucayin ah sida uu qayaxayo xuduudihii gumeystaha laga dhaxley ee xukunkii ingiriisku xoriyadda ku bixiyey 26/06/1960. Arrintan waxa aad loogu celceliyey qoraalo iyo warbixino badan; dadka iyo Dawladihii Somaliland soo maray dhamaantood waxay ilaaliyeen oo amnigooda ay sugeen xuduudahan ilaa iyo 1991.
Marka la tixgelinyo xidhiidhka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo tan Federaalka ah ee Somaliya, waxa lagama maarmaan ah in mudnaan dheeri ah la siiyo yadoo la cuskanayo Qaybta (IV)(7)(F) ee Warbixintii Gudidda Xaqiiqo Raadiska ee ku xusan taariikhaha 30/04/2014—04/05/2014, taas oo si cad u qayaxaysa in aan cawaaqib xumo la gayeysiin khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo tan Federaalka ah ee Somaliya ee si nabad iyo wanaag ku jiro lagu soo dabaalo.
Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kuma xad-gudbin, ee way u hogaansaneyd Qodobka (4)(i) ee ANSHAXA LA XIDHIIDHA AASAASKA GOLAHA NABAD-GELYADA IYO AMAANKA EE MIDOWGA AFRICA. Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kuma xad-gudbin, ee way u hogaansaneyd Qodobka (4)(b) ee XEERKA DASTUURIGA AH EE MIDAWGA AFRICA. Jamhuuriyadda Somaliland yadoo taa tix-gelineysa waxay Ciidamadeeda Qalabka sida ku eekaysiisey xuduudihii gumaystaha ee ay dhaxashey xiligii xoriyadda 26/06/1960.
Sidaa darted, Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada ay khuseyso in ay si taxadar leh ugu eegaan indhaha sharciga caalamiga ah xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo tan Federaalka ee Somaliya, Xeerka Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa iyo xeerka dastuuriga ah ee Midawga Africa, si loo xaqiijiyo ilaalinta nabad ku wada noolaanshaha dadyawga Geeska Africa.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda
Maxamed-Aar Cabdilaahi Maxamed BSc, MSc, Mphil, PHD.
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID
Jamuuriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured