Mudaharaad Ka Dhan Ah Xadhiga Xukumaddu Kula Kacday Madaxdhaqameedka Beesha Cabdalle Arab Oo Burco Ka Dhacay

0
Monday August 18, 2014 - 16:37:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Ka Dhan Ah Xadhiga Xukumaddu Kula Kacday Madaxdhaqameedka Beesha Cabdalle Arab Oo Burco Ka Dhacay

    Burco(Xogreebnews)-Qaar ka mida ah Bulshada ku nool magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer ayaa mudaharaad ka dhigay Magaalada Burco. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeeday Xadhig wefti xukumaddu u dirtay wax ka qabashada muranka dhulka ee Balig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Xogreebnews)-Qaar ka mida ah Bulshada ku nool magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer ayaa mudaharaad ka dhigay Magaalada Burco. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeeday Xadhig wefti xukumaddu u dirtay wax ka qabashada muranka dhulka ee Baliga Diiriye Guuleed kula kaceen Madaxdhaqameedka Beesha Cabdalle Arab.

togdheer ayaa mudaharaad ka dhigay Magaalada Burco. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeeday Xadhig wefti xukumaddu u dirtay wax ka qabashada muranka dhulka ee Baliga Diiriye Guuleed kula kaceen Madaxdhaqameedka Beesha Cabdalle Arab.

Boqolaal ka mid ah Dadka reer Burco ayaa iskugu soo baxay Xarunta Gobolka horteeda, iyagoo sidoo kalena gubay taayiro. Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadka, hase ahaatee Booliska iyo Ciidanka RRu-da ayaa Rasaas ku kala dareeriyay dadka mudaharaadayay.

Warka Xadhiga Oday Dhaqameedka Cabdalle Arab

Wefti Xukumaddu u dirtay xal u helida Muranka dhul ee ka taagan Degaanka Diiriye Guuleed ee duleed Burco ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah Haldoorka Odayaasha Beesha Caballe Arab oo ka soo horjeestay dalab masuuliyiinta xukumaddu ula tageen.

Odayaasha oo tiradooda lagu sheegay 6 ayaa la xidhay fiidnimadii ka dib markii ay Masuuliyiinta xukumadda matalaya u gudbiyeen go’aan Beeshu ku qaadatay Shir ay ka yeelatay dalab dhinaca Xukumadda uga yimid.

Masuuliyiinta Xukumadda oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Xildhibaan Nac-nac ayaa Odayaasha ka dalbaday inay qaataan Go’aankii Wasiiradu ka soo saareen degaanka Diiriye Guuleed ee nuxurkiisu ahaa in dhulkaasi ahaado dhul daaqsimeed ama ay Masuuliyiinta Xukumadda soo raacaan oo Hargeysa yimaadaan si halkaasi loogu wada hadlo madaxweynahana loola kulansiiyo.

Faq gaar ah oo Beeshu ka yeelatay Qodobadaasi ayaa loo dhiibay 6 lixda Oday ee Xidhan kuwaasi oo siday Go’aan ah inaanay aqbalayn Go’aanka wasiirada sidookalena aanay ogolayn wada hadal Hargeysa lala tago.

Muranka dhul ee u dhexeeya Beelaha degaanka Baliga Diiriye Guuleed ayaa sii xooggaystay markii wasiiro xukumadda ka tirsani soo saareen go’aan Beesha Cabdalle Arab ku qanci wayday ka dibna ciidanka Dawladda oo Aasayay dhulkay qoteen ay weerarku qaadeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured