Urur Ay Ku Bahoobeen Dhaqaala yahanka Somaliland Oo Maanta Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

0
Monday August 18, 2014 - 09:03:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Ay Ku Bahoobeen Dhaqaala yahanka Somaliland Oo Maanta Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

    Hargeysa(Xogreebnews)Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay ururka Dhaqaala yahanka Reer Somaliland oo ay ku bahoobeen dadka leh culuunta dhaqaalaha ee reer somaliland. Munaasibad maanta lagu qabtay Hotel-ka Safari ee Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay ururka Dhaqaala yahanka Reer Somaliland oo ay ku bahoobeen dadka leh culuunta dhaqaalaha ee reer somaliland. Munaasibad maanta lagu qabtay Hotel-ka Safari ee Hargeysa

Hargeysa(Xogreebnews)Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay ururka Dhaqaala yahanka Reer Somaliland oo ay ku bahoobeen dadka leh culuunta dhaqaalaha ee reer somaliland. Munaasibad maanta lagu qabtay Hotel-ka Safari ee Hargeysa ayaa ururkan lagu shaaciyey waxaana xubno ka ah dadka leh aqoonta dhaqaalaha oo ka mid yihiin masuuliyiin xukumadda ka tirsan, dad ka shaqeeya shirkaddaha gaarka loo leeyahay, Macalimiinta dhiga Cilmiga dhaqaalaha iyo arday Jaamacaddaha dalka ka bartay dhaqaalaha/

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, loo doortay gudoomiyaha Ururkan ayaa madasha lagaga dhawaaqay Ururka ka sheegay inuu yahay mid dhaqaalaha wadanka wax badan ka qaban doona, isagoo sheegay in cid kasta oo dhaqaalaha aqoon u lehna uu u furan yahay.

“Dhaqaalayahanka Somaliland meel uu ku soo hirto ayaanu lahayn, Ururkani waxa uu wax ka qabanayaa oo uu xal u raadinayaa kala daadsanaanta dhaqaalayahanka Somaliland haysta maanta iyo kaalinta uu ka mudanyahay. Waa urur ballaadhan oo u furan dhaqaalayahanka oo dhan, siinaya dadka dhaqaalahanyahanka ah fursad ay ku qaataan kaalintii ay ku lahaayeen.Arrinta aynu wadaagno walwalkiisa iyo walbahaarkiisu waa arrinka dhaqaalaha, markaa dhaqaalayahankeennu mee? Doorkii dhaqaalayahanku ku lahaa qaranka mee?” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured