Nuxurka Qodobo Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Iyo Salaadiinta Beesha Bali-gubadle

0
Sunday August 17, 2014 - 20:19:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Qodobo Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Iyo Salaadiinta Beesha Bali-gubadle

    Hargeysa(xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan wada hadal ah kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Salaadiinta Beesha Arab oo uu hogaaminayey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan wada hadal ah kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Salaadiinta Beesha Arab oo uu hogaaminayey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, isla Hargeysa(xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan wada hadal ah kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Salaadiinta Beesha Arab oo uu hogaaminayey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, isla markaana waxa la sheegay inay ka wada xaajoodeen furdaaminta mushkilad dhinaca dhulka ah, oo u ka taagan deegaanka Baliga Diiriye Guuleed oo dhinaca waqooyi ka kulalaaya magaalada Burco ee Gobalka Togdheer, halkaas oo laba beelood oo wada dega gacan ka hadal ku dhexmaray. Siday Wargeyska Ogaal u sheegeen Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola kulankaasi, Madax-dhaqameedku waxay hordhigeen Madaxweynaha cabasho la xidhiidhay go’aan guddi loo saaray xalinta arrintaasi ay soo saareen, kaas oo beesha Cabdala Arab gaashaanka ku dhufatay, kuna tilmaantay mid dhinac kararan oo aan cadaalad ahayn. Go’aankaas oo siday ilahaasi tibaaxeen ay Salaadiinta beeshu ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin, Madaxweynahana ay ka codsadeen in dib looga noqdo, xaqsoor dhab ahna laga gaadho. Xogahaasi waxay intaas ku dareen in Madaxweynaha iyo Salaadiintu ay isla qaateen in deegaankaa loo diro Guurtida dhaqanka, dibna loogu noqdo xalinta mushkiladaa. Kulankaa waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka, dhinaca Salaadiintana waxa wehelinayey siyaasiyiin beeshaa ka tirsan. Dhinaca kale, waxay xogahaasi tibaaxeen, in Salaadiinta beesha Arab iyo Madax-dhaqmeed beesha Habar-jeclo ahi ay ka kulmeen arrintaa, isla markaana waxa lagu wadaa inay war wada jir ah soo saaraan si dhaqso ah maanta ama beri.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured