Waa Maanso Qiimo Badan Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlaysa Dhibaatadda Qurba-Joogta Iyo Dulmiga Qol-Qol Joogta waxana Curiyay Abwaanka Da’da Yar Ee Calimahdi Jibriil Xasan .

0
Sunday August 17, 2014 - 19:18:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maanso Qiimo Badan Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlaysa Dhibaatadda Qurba-Joogta Iyo Dulmiga Qol-Qol Joogta waxana Curiyay Abwaanka Da’da Yar Ee Calimahdi Jibriil Xasan .

    Waa Maanso Qiimo Badan Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlaysa Dhibaatadda Qurba-Joogta Iyo Dulmiga Qol-Qol Joogta waxana Curiyay Abwaanka Da’da Yar Ee Calimahdi Jibriil Xasan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maanso Qiimo Badan Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlaysa Dhibaatadda Qurba-Joogta Iyo Dulmiga Qol-Qol Joogta waxana Curiyay Abwaanka Da’da Yar Ee Calimahdi Jibriil Xasan . Waxanay Odhanaysaa
Qaran baan ahaa dhisan
umad qiima badanoo
Isku qowl ah baan rabay.
********************
Maalintay qadhaadhayd
ayaantii qiyaamaha
qaxarkiyo colaadii
wadankeenan qanigaa
wixii dhiigag loo qubay
qudha geesi loo jaray
barbaar qaaran loo dilay
qax wixii la soo maray
ninkii kaa qudhqudhiyee
wadanyohow qurbaha baas
u ba’qoolayee tegey
iyo kii qisaastiyo
qaaxa kuugu negeyee

kuu mutay qoorgooyada
maxaa meel ku wada qoray
*********************
qurba joogii kaa tegey
maxaa qiima sariyo
qaaya weyn u hagoogay
*****************
qolqol joogii kuu go’ay
maxaa qaarar jiifiyo
loogu qubay gidaarada
*****************
ma adaa qalaafiyo
abaalaawe qaranoo
dadka kii wax qabadiyo
kugu sooray qaayaha
aan qiima gelin karin
**************
mise madaxda qarankaa
quudka jecel dalkaygoow
oo qarash daraadii
u gumeeyay qol qol joog
*****************
qashin gurihii yurub jiray
ninkii qarafka guran jiray
gaaladaw qubayn jiray
maalintii u soo qoxo
degelkaaga quruxdaleh
maxaa loogu qooqaa
qaran loogu sheegaa
loo daba qaxleeyaa
danta loogu qaybshaa
oo qarashkii maatada
iyo dhalinta loo qoray
dhaqan celis u qaata.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured