Xukuumadana waxaan leeyahey, Nina Kali ahaantii Daleel Guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahey,Karaamada & masuuliyada aynu sidno dadkaas ayaa iska leh RABBI SWTC

0
Sunday August 17, 2014 - 19:06:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadana waxaan leeyahey, Nina Kali ahaantii Daleel Guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahey,Karaamada & masuuliyada aynu sidno dadkaas ayaa iska leh RABBI SWTC

    Hargeisa(xogreebnews.com-Islaamka waxa astaamahooda ka mid ah in uu xor yahey xoriyadaas oo ku xadaysan tilmaamaha RABBI & Sunaha Rasuulka SCW, ma jirto RABBI mooyee cid Adoon loo noqdaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Islaamka waxa astaamahooda ka mid ah in uu xor yahey xoriyadaas oo ku xadaysan tilmaamaha RABBI & Sunaha Rasuulka SCW, ma jirto RABBI mooyee cid Adoon loo noqdaa, BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM. WASALI WASALIM WA BAARIK CALAA MUXAMADIL AMIIN, WA AALIHII WA SAXBIHII .
Islaamka waxa astaamahooda ka mid ah in uu xor yahey xoriyadaas oo ku xadaysan tilmaamaha RABBI & Sunaha Rasuulka SCW, ma jirto RABBI mooyee cid Adoon loo noqdaa, xigmada balaadhan & Mucjisooyinka ALLEH SWTC ku cadeeyay Qur’aanka maaha kuwo dheel dheel ah, waana kuwo ay ku dhantahey nolosha kownkan & ta aakhiroba, Raxmada EEBE ayuun baana lagaga baxsan karaaa imtixaanka dunidan aynu manta ku noolahey, EEBE SWTC waxaan ka baryayaa inuu Ina Waafajiyo Rabitaankiisa & Raali ahaanshihiisa. RABBI SWTC wuxuu ku yidhi Qur’aankiisa Kariimka ah, ( hadii ay is dilaan laba kooxood oo Muuminiinta ka mid ahi, Samo & Islaax ku Dhex gala walaaladiin,

hadey midi ka gacan taagato samaha, isugu taga. Intey uga hogaansameyso amarka EEBE SWTC, hadey ka soo noqoto, samo ku dhex gala walaaladiin, Garnaqa ILAAHEY wuu Jecelyahey kuwa Garnaqa’e) Rasuulkuna SCWwuxuu Yidhi Walaalkaa u Hiili Haduu Gar leeyahey & Haduu gar daran yaheyba. Waxey saxaabadii Su’aaleen Haduu garleeyahey garanaye, markuu gardaran yahey sidaanu ugu hiilineynaa, wuxuu ugu jawaabey SCW ka qabo gardarada taas ayaa hiil ahe. RABBI SWTC waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ah ku Tilmaamey In (Ummatul Maxamed ay tahey Ummad laga soo dhex saaro dadka Tii ugu kheyrka badneyd, waxaana ay ku noqotey, Wanaaga oo ay is farto & xumaanta oo ay iska qabato & ILLAAHEY oo ay Rumeeyaan,) ma jirto nimco ka weyn oo Aaadmigu hantiyi karo xigmada ku jirta mimcadan waxey mudan tahey ineynu ku xamdi naqno. RABBI SWTC waxa uu sidoo kale ina faray oo ah qaaciido islaami ah Sida uu qawlkiisa Sharaf ka leh ku sheegay ( Isu Kaashada wanaaga & Cabsida EEBE, Hana isu kaashanina Danbi & Cadaawad). Rasuulkuna SCW wuxuu yidhi Fidmadu wey hurudaa Nacdali korkiisa ha ahaato cida toosisa.
Shaqaaqada ka dhacdey Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Duleeedka Magaalada Burco, waxaan arkaayey maalmahanba in badan oo hadalo xajiin leh oo is laanqereynaya, isku marinayey warbaahinta maxaliga ah & ta caalamiga ahba, hadaladaas oo halaag & khaatumo seeg waxaan aheyn laga dheefayn, nin abwaan ah ayaa gabey ku yidhi “ Tan oo kale cayaar lagama deyo calama saarkeed, waa caloolo wada daadsan & Caanahoo geba, Cirsan yeedh nimuu taabtey & Caalim ma hakado, Caw kuma hurdeen Ruux metela Caydan Reeraha, Cawa dhaladna maantuu lahaa kama Carceereen, Cimri kugu sin bey noqotey & aayadaa Culus,” waa ayaan darro rag salaadiin ah, siyaasiyiin ah, qoorweyntii Ummada ah in ay hadalo duur xul u ah kala irdhoow & tafaraaruq shaqaaqadan ku sii biiriyaan, Burcona waxey maanta tabeysaa ALLEH ha u naxariistee Suldaan Diiriye, Ina Sanweyne, Xaaji Faarax Suusle, Xaaji Xassan Geele & Sheekh Cismaan Nuur, ragaas oo dhamaantood ahaa rag horsed u ahaa Diinta, Nabada, Darisnimada, wada noolaansha, & Islaaxa Reer Togdheer, waxa maanta wax laga tiraanyoodo ah Dhiilada taala, & dhegxumada Dhaantada laga dhex tumanayo, waxaan Nafteyda & tiinaba ka waaninayaa, in aaney dhaxal xumeysan tacabkii & dhaxalkii ay ka tageen ragaa hore & kuwii u dhul galey halgankii dhamacda ahaa, cadho ALLEH & Cadaabkiisana aan gacmaha loo hoorsan, waxa haboon in looga beydho wanaag, & Samo loo wada jiro.Soomaaliland manta cadaw badan ayey leedahey, Soomaaliduna waxey ku Maahmaahdaa Canqowga Isku Dhufte Isagaa U Dhutiya, waxa la Yidhi Shisheeye Waa ayo & waa ninka Noloshaada Neceb,ha ka dayin nin kaa hayb ahi uun inuu Cadawgaaga yahey nin kasta mindida dileysaa gurigiisa ayuun bey taalaa ee dib ha la isugu noqdo, Waxaan ILLAAHEY SWTC ka rajeynayaa inuu dhibtaa innaga soo af jaro xalkeeedana inna waafajiyo, RABBI u noqda, Xaabadana yaan la sii saarin, dhibaatada taala, Iyadoo RABBI SWTC loo talo Saaranayo ha laga shaqeeyo xalka arrintani ku samaaneyso oo kaliya, wixii qalin daaraya samaheedana ha laga ilaaliyo, Abaar Xoolaad waa laga ladnaadaa Abaar Dadse Illahey ha innaga hayo.
Waxaan ereyo kooban u jeedinayaa labada beelood ee walaalaha ah waxaan leeyahey la isuma kiin dhaamo, nimaan idiin fureynin yuu idiin rarin.Xukuumadana waxaan leeyahey, Nina Kali ahaantii Daleel Guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahey,Karaamada & masuuliyada aynu sidno dadkaas ayaa iska leh RABBI SWTC ha Inna garansiiyo Xilka & Waajibaadka Innaga saran Ummadan, waxaana jira RABBI daalacanaya oo aan waxba ka gedman oo la socda sida aynu u gudaneyno waajibka & Masuuliyada ina saran , taariikhduna wey sunti doontaa maalmaha go’an ninba wuxuu ka geysto, waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa tixihii Abwaankii yidhi:
Dhimo oo ha noolaan
Ka wax noo dhimaayoow
Dhereg oo ha liicin
Ninka dhaqanka fuliyoow
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Golaha Wakiilada J Soomaaliland Hargeysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured