Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay Oo Maanta Booqasho Yimi Puntland.

0
Sunday August 17, 2014 - 18:54:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay Oo Maanta Booqasho Yimi Puntland.

    Garoowe(xogreebnews.com-Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland . Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(xogreebnews.com-Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland . Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa ka Garoowe(xogreebnews.com-Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland . Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa ka qayb qaatay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Maamulka Gobolka Nugaal iyo Dadwayne kale oo u diyaarsanaa soo dhaweynta Danjire Nicholos Key.Intaas kadib ayaa Danjire Nicholos Key iyo Martidii la socotay waxaa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee Somaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland,imaanshihiisana waxay muhiim u tahay inaan kawada hadalno xaalada Soomaliya iyo Gaar ahaan tan Puntland ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Soo dhaweynta loo sameeyay isagoona sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay Imaanshihiisa Puntland,waxana uu sidookale cadeeyay in markii lixaad oo uu yimaado Puntland ay u tahay Maanta .

Kullan Gaar ah oo ay wada qaaten Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Nicholos Key ayaa waxa ay uga wada hadleen:-
1:Xiriirka u dhaxeeya Q.M iyo Dowladda Puntland
A:Waxa labada Masuul isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Q.M sida uu cadeeyay Madaxwayne Gaas.
2:Xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Puntland iyo Fadaralka Iyadoo oo uusan wanagsaneyn Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Fadaralka ayaa hadana labada dhinac waxa ay isla soo qaaden sidii xal waara looga gaari lahaa,Balse madaxwayne Gaas ayaa sheegay in uu sii xumaaday Xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Puntland iyo Fadaralka kadib markii la saxiixay hashiiski lagu Sameynayay maamulka Gobolada dhexe .’Qaabka loo wajahayo Doorashada Soomaliya ka dhacaysa 2016-ka oo ay ku dhamandoonto wakhtiga Madaxda Dowladda Fadaralka ah ee hada jirta arimahaas oo dhan oo muhim ah ayaanu kawada hadalnay runtiina si fiican ayaanu isugu afgaranay waxana rajaynaynaa in wax wanagsan ay uga soo baxaan Puntland iyo Soomaliya oo dhan ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Gaas.Nicholos Key ayaa xaqiijiyay in hashiiski dhawaan lagu saxiixay Maamulka Gobolada dhexe Saxiixiisuna uu ka dhacay Magaalada Muqdisho uusan waxna u dhimeyn dhulka iyo Gobolada ay leedahay Puntland .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured