Madaxweyne Siilaanyo Oo 621 Arday Oo Dhamaystay Jaamacadda Camuud Shahaadooyin Gudoon siiyay

0
Sunday August 17, 2014 - 18:45:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo 621 Arday Oo Dhamaystay Jaamacadda Camuud Shahaadooyin Gudoon siiyay

    Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen. Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen. Madaxweynaha oo Saaka ka kicitimay Hargeysa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama, isagoo islamarkiiba u dhaafay dhinaca Xarunta Jaamacadda Camuud oo Munaasibada Qalin jabinta ahi ka socotay.

Madaxweynaha ayaa ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen 621 Arday oo dhamaystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Camuud, kuwaasi oo afar ka mid ahi yihiin Ardayda Dhegooleyaasha ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Ardayda kula dardaarmay inay dalkooda wax ku taraan cilmiga ay barteen islamarkaana aqoontooda kor u sii qaadaan. Waxa uu ku dhiiri galiyay inay samraan inta ay shaqooyin ka helayaan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay socdaalkiisa xubno xukumadda ka tirsan, waxaana munaasibada kala qayb galay Madaxda heer gobol ee Gobol Awdal iyo madaxda Jaamacadda Camuud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured