Arday Reer Somaliland Ah Oo Ku Qalino Jabiyay Xarunta Midawga Africa Ee Addis Ababa Iyo Nuxurka Khudbadaha Gudoomiyaha Kulmiye iyo Waddani ka jeediyeen Madashaasi

0
Sunday August 17, 2014 - 11:07:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Reer Somaliland Ah Oo Ku Qalino Jabiyay Xarunta Midawga Africa Ee Addis Ababa Iyo Nuxurka Khudbadaha Gudoomiyaha Kulmiye iyo Waddani ka jeediyeen Madashaasi

    Addis Ababa(xogreebnews.com- Masuuliyiin Xukumadda Somaliland iyo Goleyaasha qaranka ka socda ayaa Shalay Caasimada Ethiopia kaga qayb galay Munaasibad qalin jabin ah oo Arday ka kala socday 23 Dal oo Africa ah Somaliland ka mid tahay loogu sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa(xogreebnews.com- Masuuliyiin Xukumadda Somaliland iyo Goleyaasha qaranka ka socda ayaa Shalay Caasimada Ethiopia kaga qayb galay Munaasibad qalin jabin ah oo Arday ka kala socday 23 Dal oo Africa ah Somaliland ka mid tahay loogu sameeyay Xarunta Midawga Africa ee Addis Ababa. Ardayda Reer Somaliland ee Xafladdaasi qayta ka ah ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda New Generation faraceeda Hargeysa.

Addis Ababa(xogreebnews.com-Masuuliyiin Xukumadda Somaliland iyo Goleyaasha qaranka ka socda ayaa Shalay Caasimada Ethiopia kaga qayb galay Munaasibad qalin jabin ah oo Arday ka kala socday 23 Dal oo Africa ah Somaliland ka mid tahay loogu sameeyay Xarunta Midawga Africa ee Addis Ababa. Ardayda Reer Somaliland ee Xafladdaasi qayta ka ah ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda New Generation faraceeda Hargeysa.http://jamhuuriyamedia.com/wp-content/uploads/2014/08/DSC_0128.jpg

Wefti Somaliland ka socda oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kana mid yihiin Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh iyo Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka qaybgalay munaasibada Qalinjabinta ah.

Madaxawaynaha Jaamacaddaha New Generation Prof. Matiyus Gijili oo furitaankii xafladda qallinjebinta khudbad ka jeediyey, ayaa ka warramay waxbarshada kala duwan ee jaamacaddiisu bixiso iyo tayada ay leedahay, himillada iyo hiigsiga jaamacadda oo uu ku tilmaamay inay tahay soo-saaridda aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo madaxda qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Mulkiilaha qaybta Hargeysa ee Jaamacadda New Generation Cabdicasiis Maxamed Yuusuf oo madasha ka hadlay, ayaa ka xog-warramay ardayda ka socota caasimadda Somaliland iyo culuunta kala duwan ee ay barteen, isagoo tibaaxay ujeedooyinka uu u aasaasay qaybtan oo uu sheegay inay ka shaqaynayaan isu soo dhawaanshaha labada dal iyo ummadood ee Itoobiya iyo Somaliland ee dhinacyada waxbarashada iyo siyaasadda. Waxaannu tibaaxay in qallinjebintani tahay dufcaddii labaad ee ka baxda jaamacadda New Generation qaybteeda Hargeysa oo si la mid ah ardayda kale ee faracyada jaamacadda ugu qallinjabiya xarunta Midowga Afrika

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa farxad noo ah in aannu idin kala soo qaybgalno xafladdan lagu qabannayo xarunta Midowga Afrika oo ah meesha laga soo saaro go’aamada dalalka Afrika 1963. Haseeyeeshee, nasiib-darro aanaan xubin ka ahayn dalalka Midowga Afrika, balse waxaannu rajaynaynaa si dhakhso ah in sannadkan soo socda aannu ka mid noqdo,”

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna hadalo garnaqsi ah ka jeediyay Munaasibada qalin jabinta ah “Somaliland maaha gooni-u-goosato, balse waxay ku dhaqmaysaa axdiga Midowga Afrika ee ku salaysan xuduudihii gumaystuhu kaga tagay dhawr iyo lixdan sanno ka hor, sidaasi darteedna waxaannu ugu baaqaynaa dalalka Afrika inay ixtiraamaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo rabitaanka shacabkayaga.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Ardayda Reer Somaliland ee Munaasibada ku qalin jabiyay ayaa noqonaya dufcadii labaad ee Xarunta Midawga Africa ku qalin jabisay iyagoo Hargeysa wax ku bartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured