“Waxaanu Leenahay Xukumaddu Degdeg Ha U Horkeento Golaha Wakiilada Sharciyada Komishanka Doorashooyinka Oo Halaga Baaraan Dego..”Afhayeenka Waddani

0
Saturday August 16, 2014 - 18:34:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaanu Leenahay Xukumaddu Degdeg Ha U Horkeento Golaha Wakiilada Sharciyada Komishanka Doorashooyinka Oo Halaga Baaraan Dego..”Afhayeenka Waddani

    Hargeysa(Xogreebnews)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo ka tirsan Golaha wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanay cudur daar u noqonayn Xukumadda Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigoodii gabobago yahay isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo ka tirsan Golaha wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanay cudur daar u noqonayn Xukumadda Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigoodii gabobago yahay islamarkaana u baahan wax ka bedel inay dib u dhigaan doorashada.

Hargeysa(Xogreebnews)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo ka tirsan Golaha wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanay cudur daar u noqonayn Xukumadda Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigoodii gabobago yahay islamarkaana u baahan wax ka bedel inay dib u dhigaan doorashada. Waxa uu soo jeediyay xukumadda inay dedejiso Xeerkooda islamarkaana degdeg loo horkeeno Golaha si loo eego.

“Waxaanu leenahay Xukumaddu degdeg ha u horkeento Golaha wakiilada Sharciyada Komishanka Doorashooyinka oo halaga baaraan dego qaabka ay ku imanayaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku,Mudada ay joogi doonaan iyo xilka ay haynayaan noocuu noqonayo.Arintaasi sidii xisbiyaduba isku raaceen waxaanu u aragnaa arin aad iyo aad muhiim u ah Qarankan horumarkiisa iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana wax weyn ka taraysa” ayuu yidhi Afhayeenka Waddani.

Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa ku midaysan in 9 xubnood laga dhigo Xubnaha Komishanka doorashada oo hore u ahaa 7 Xubnood islamarkaana saddexda xisbi qaran keensadaan midkiiba saddex xubnood, hase ahaatee wali xukumaddu mawqif kama istaagin dalabka Mucaaradka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured