Maxakamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Dil Ku Xukuntay Nin Hore Ciidanka Uga Tirsanaa

0
Saturday August 16, 2014 - 16:42:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxakamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Dil Ku Xukuntay Nin Hore Ciidanka Uga Tirsanaa

    Hargeysa(Xogreebnews) Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa maanta Xukun dil ah ku riday Askari hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Naafadda qaranka oo hore qof shicib ah u dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa maanta Xukun dil ah ku riday Askari hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Naafadda qaranka oo hore qof shicib ah u dilay

Hargeysa(Xogreebnews) Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa maanta Xukun dil ah ku riday Askari hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Naafadda qaranka oo hore qof shicib ah u dilay.

Warsaxaafadeed Maxakamadda Ciidanka ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxakamadda sare ee Ciidanka Gaashaanle sare Maxamed Xasan Faarax ayaa lagu sheegay Xukunka lagu riday ninkaasi oo la sheegay inuu ku eedaysnaa Qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta guud iyo Qodobo Xeerka Ciidanka mid ah.

“Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay Xukun maanta oo ay Taariikhdu tahay August-16-2014, Waxayna ku xukuntay Dil toogasho ah Racfaanle, Gacan ku dhiigle Dacar Cali Ibraahin oo ka tirsanaa Naafadda Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasi oo dilay 18-kii Bishii 5-aad 2014(18-5-2014) Marxuum shicib ah Cabdirisaaq Maxamuud Axmed, ina Caasha Cali oo 25 jir ah, kaasi oo uu Adeer u ahaa” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured