Maayirka Bali-Gubadle Oo Tahli Kariwaayey In Uu Qabto Kalfadhiyadii Caadiga Ahaa Ee Golaha Deegaanka Bali-Gubadle Iyo Sababta Keentay

0
Saturday August 16, 2014 - 16:21:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Bali-Gubadle Oo Tahli Kariwaayey In Uu Qabto Kalfadhiyadii Caadiga Ahaa Ee Golaha Deegaanka Bali-Gubadle Iyo Sababta Keentay

    Bali-Gubadle(xogreebnews.com-Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa ku fashilmay in uu qabto kalfadhiyadii Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bal-gubadle tan iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bali-Gubadle(xogreebnews.com-Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa ku fashilmay in uu qabto kalfadhiyadii Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bal-gubadle tan iyo Bali-Gubadle(xogreebnews.com-Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa ku fashilmay in uu qabto kalfadhiyadii Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bal-gubadle tan iyo Markii loo doortay maayirka Degmadaasi Bishii January 2013-kii.waxaana guud ahaanba meesha ka baxay Kalfadhiyadii caadiga ahaa ee Golahaasi yeelan jireen,Waxaana mudooyinka dambe aan si habsami ah aan u socon howlihii Dowlada hoose ee Degmadaasi ka dib markii khilaaf Ba”ani soo kala dhex galey Maayirka iyo Mudanayaasha Golahaasi Bali-gubadle,taasina ay sababtay in ay meesha ka baxaan Kalfadhiyadii goluhu yeelan jiray iyo gabi ahaanba Howlihii ay Bulshada u igmatay Dowlada Hoose in ay u qabto.

Maayirka Degmada ayey shaqadiisu ahayd in uu Sedexdii Biloodba hal mar uu iskugu yeedho Xildhibaanada Golahaasi in ay iskugu yimaadaan Kalfadhi. Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa Kalfadhiyada Golahaasi sababta uu u qabanwaayey ay tahay isagoo ka baqa qaba in Xildhibaanada Goluhu Keenaan Mooshin isaga ka dhana oo ay xilka ka qaadaan iyo in ay la xisaabtamaan taasina ay keentay in uu qaban waayo kalfadhiyadii Golahaasi.
Wariye:Maxamed Jiciir Aw Axmed
Maxamed.jiciir@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured