UCID Oo Soo Dhoweyn Usameeyay Haldoorka Beesha Axmed Cabdale Ee Saldanadda SUBEER AWAL Oo Kusoo Biiray

0
Friday August 15, 2014 - 19:19:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UCID Oo Soo Dhoweyn Usameeyay Haldoorka Beesha Axmed Cabdale Ee Saldanadda SUBEER AWAL Oo Kusoo Biiray

    Hargaysa (xogreebnews.com--Xisbiga ucid ayaa xalay xaflad soo dhaween ah u sameeyay siyaasiyiin iyo taageerayaal mug leh oo ka soo jeeda beesha Axmed Cabdale Oo Ah saldanada Beesha Subeer Awal kuwaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews.com--Xisbiga ucid ayaa xalay xaflad soo dhaween ah u sameeyay siyaasiyiin iyo taageerayaal mug leh oo ka soo jeeda beesha Axmed Cabdale Oo Ah saldanada Beesha Subeer Awal kuwaas

Hargaysa (xogreebnews.com--Xisbiga ucid ayaa xalay xaflad soo dhaween ah u sameeyay siyaasiyiin iyo taageerayaal mug leh oo ka soo jeeda beesha Axmed Cabdale Oo Ah saldanada Beesha Subeer Awal kuwaas oo ku soo biiray xisbiga cadalada iyo daryeelka ee UCID Xafladdan oo ka dhacday hotel maansoor ee magaalada hargaysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Hogaanka Sare Ee Xisbiga Ucid Oo Ay Ka Mid Ahaayeen .Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe . Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen .Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Guray ,Ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Nasir Qodax .Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Heer Qaran Marwo Xaliimo Raage . Xogahayaha Arrimaha Gudaha c/qani Salaf . Xoghayaha Maaliyada Marwo Faadumo Siciid . Xoghayaha Arrimaha Bulshada C/raxman Axmed Cali .Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga ucid Yuusuf Keyse . Salaadiin . Dhalinyaro .Aqoonyahan Haween Iyo Marti Sharaf Kale.


IMG_9440
Munaasibaddan oo ahayd mid ay ilyartu is qabatay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaasha xisbiga ucid iyo taageerayaasha xisbiga ku soo biiray iyagoo dhamaantood kor u lulayay calanka xisbiga ucid iyo astaanka qaranka oo ah calanka Somaliland .

Ka dib madadaaladi heesaha xisbiga ucid iyo kuwa waddaniga ah waxaa si rasmi ah u furmay khudbadihii ay jeedinayeen masuuliyiinta xisbiga iyo waliba taageerayaasha soo biiray oo iyaguna dareenkooda cabirayay maadaama ay ku soo biireen xisbiga ugu faca wayn axsaaba qaranka Somaliland isla markaana ay hogaamiyaan siyaasiyiin aragti dheer oo aqoonyahano ah . Waxa ugu horeen halkaasi ka hadlay xoghayaha arrimaha gudaha c/qani salaf .xoghayaha maaliyada fadumo siciid .

xoghayaa arrimaha bulshada c/raxman axmed cali ayaa dhamaantood waxaa ay halkasi ka soo jeediyeen hadalo soo dhaween ah iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin cududa miisaanka leh ee xisbiga ku soo biirtay ee Beesha Axmed Cabdale Oo Ah Saldanadda Subeer Awal. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyinta iyo xubno kale oo ku hadlaayay afka taageerayaasha ku soo biiray xisbiga ucid iyagoo sheegay in halka ay taageerto beeshoodu ay soo baxdo isla markaana uu xisbiga ucid uu soo bixi doono oo uu guuleesandoono haddu ale idmo. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in maanta iyagoo isu dhan ay taageersanyihiin xisbiga ucid oo ay la barbartaaganyihiin taageero .dhaqaale iyo codba .


Taagerayashan oo ahaa kuwo gaashaaman aadna uu u kacsanaa dareenkoodu lagana dheehan karayay wajiyadooda sida ay ugu faraxsanaayeen ku soo biiritaanka ay ku soo biireen xisbiga ucid iyagoo cod dheerna ku odhanayay xisbiga ucid ha guuleesto .

Waxaa xusid mudan in taageerayaasha uu la socday oo wehelinayay murashaxa beeshaasi ay iska soo dhex xushay oo ah aqoonyahan magaciisu yahay Cali barre oo ay taageerayasha beeshu ay galbinayeen . Murashax cali barre oo ka hadal kooban ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu noqdo murashax u taagan doorahsooyinka barlamaanka ee soo fool leh isagoo shegay in xisbiga ucid uu guulo badan gaadhi doono hadu ale idmo . Waxaa gabogabadi xaflada soo gunaanaday khudbado koobanna ka Jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Guray iyo murashaa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo iyaguna si farxadi ku dheehantahay u soo dhaweeyay taageerayaashaasi iyagoo ku booriyay in ay xisbiga garaba taagnaadaan lana shaqeeyaan .
Waxaa kale oo ay masuuliyiintu si adag uga hadleen xaalada dalka iyagoo sheegay in xisbiga ucid u ka saari doono xaalada adag ee uu ku dalku ku jiro marka uu ku guuleesto doorashooyinka . Ugu danbeeni waxaa ay masuuliyiintu si laab furan ugu mahadnaqeen taageerayaasha Beesha Axmed Cabdale oo taageeradoodi iyo cudoodiba isugu keenay xisbiga ucid iyagoo kula dardaarmay in xisbiga ucid u hiiliyaan codkooda ay si hagar la’aan ah u siiyaan .

IMG_9312IMG_9350IMG_9349IMG_9345IMG_9339IMG_9330IMG_9351IMG_9361IMG_9359IMG_9353IMG_9352

IMG_9362IMG_9333IMG_9368IMG_9366IMG_9365

IMG_9358IMG_9405IMG_9425IMG_9397IMG_9395IMG_9393IMG_9390IMG_9389IMG_9386IMG_9385IMG_9384IMG_9383IMG_9377IMG_9373IMG_9369IMG_9407IMG_9481IMG_9479IMG_9477IMG_9476IMG_9473IMG_9472IMG_9470IMG_9463IMG_9456IMG_9451IMG_9448IMG_9447IMG_9440IMG_9438IMG_9437IMG_9429IMG_9426IMG_9419IMG_9423

IMG_9485IMG_9549IMG_9543IMG_9545IMG_9535IMG_9537IMG_9525IMG_9524IMG_9515IMG_9502IMG_9495IMG_9493IMG_9489

IMG_9473IMG_9440




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured