Hub-ka-dhigista Muqdiisho hanaan u eeg kii maxaakiimta Islaamiga ahayd.

0
Friday August 15, 2014 - 19:14:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hub-ka-dhigista Muqdiisho hanaan u eeg kii maxaakiimta Islaamiga ahayd.

    Muqdisho(xogreebnews.com-Halgalka hub-ka-dhigista ee Xamar ka socda waxa uu leeyahay saansaan kasta oo la mid ah kacdoonkii maxaakiimta Islaamiga ahaa ee hogaamiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Halgalka hub-ka-dhigista ee Xamar ka socda waxa uu leeyahay saansaan kasta oo la mid ah kacdoonkii maxaakiimta Islaamiga ahaa ee hogaamiye Muqdisho(xogreebnews.com-Halgalka hub-ka-dhigista ee Xamar ka socda waxa uu leeyahay saansaan kasta oo la mid ah kacdoonkii maxaakiimta Islaamiga ahaa ee hogaamiye kooxeedyada looga saarey caasimadda.Haatan Xamar waxaa ku sugan illaa boqol shaqsi oo heysta hub aad u badan, waxaana bilowdey hawlgal hubka looga dhigayo, kaasi oo dhaliyey iska hor imaadyo. Inkasta oo kani uusan ahayn kacdoon shacab, hadane waa mid ay horkacayso dowlad matalaada shacabka sheegata, taasi oo markii ugu horeysa wax la taaban karo oo wanaagsan ka qabanaysa xaaladda amaan ee dalka. Arrinka ma ahan mid sahlan oo cad iyo madoow ah, ee waa mid wajiyo badan yeelan kara, hal gef oo yar oo dowladda ay samayso ayaana fashilin kara hawlgalka iyo dowladda oo dhanba.Axmed Daaci oo ka mid ah qabqablayaashii hubka laga dhigay saacadihii ugu dambeeyey ayaa warbaahinta ka sheegey in weerar argagixiso lagu soo qaaday, wuxuuna hadalkani ku xusuusinayaa hal-ku-dhaggii ay isticmaaleen hogaamiye kooxeedyada sanadkii 2006-dii , kuwaasi oo samaystey isbahaysigii argagixiso la dirirka.Haatan waxaa warbaahinta laga maqlayaa hadalo ay jeedinayaan hogaamiyeyaal qabiil , siyaasiyiin, iyaga oo hadalka u dhigaya in hawlgalka uu yahay mid beel hubka looga dhigayo si ay u noqoto sacabooleey.Maxamed Xassan Xaad oo ka mid ah hogaamiyeyaasha beelaha Xamar ayaa sheegey in dagaal sokeeye uu ka qarxi doono caasimadda haddii hawlgalka uu sii socdo, waana digniin aanan la dhaliilsan Karin.Wararka uu helayo wargeyska KismaayoNews waxa ay tibaaxayaan in ay socdaan tashiyo ay leeyihiin dadka isku danta ah ee hubka laga dhigayo, kuwaasi oo doonaya in ay si wadajir ah oga hortagaan hawlgalka.Haddii dowladda ay ku guuleeysato arrinkani waxa ay tani wax badan ka taraysaa xasilinta amniga dalka, iyada oo waxa meesha kusoo haraya ay noqonayaan qoriga dowladda iyo kan Alshabaab , halka hadda sedex dhinac ay hub ku wada heystaan Xamar.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured