Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Safar Ugu Baxay Dalka Itoobiya

0
Friday August 15, 2014 - 19:10:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Safar Ugu Baxay Dalka Itoobiya

    Hargeysa(xogeebnews.com-Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la shaacin u jeedadiisa ugu baxay waddanka Itoobiya ee jaarka la ah dalka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogeebnews.com-Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la shaacin u jeedadiisa ugu baxay waddanka Itoobiya ee jaarka la ah dalka Somaliland. shaacin u jeedadiisa ugu baxay waddanka Itoobiya ee jaarka la ah dalka Somaliland.
Labadan Masuul ayaa saaka ka amba baxay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Intenatioanal Airport ee Magaalada Hargeysa iyaga oo u sii jeeda Caasimada Itoobiya ee adis ababa .Ma jiraan warar faah faahinaaya u jeedada ay ugu kici timeen dalka Itoobiya balse sida ay ila wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen in labada Guddoomiye ay ka qayb geli doonaan xaflad qalin jabin arday Jaamacadeed ah oo ka dhacaysa Caasimada Itoobiya ee Adis ababa, sidoo kale warku waxa uu intaas ku darayaan in ay labada Guddoomiye kulamo gaar ah ku yeelan doonaan dalka Itoobiya iyaga oo ka wada hadli waxaana aan ilaa hada cadayn waxyaabaha ay kaga wada hadli doonaan kulamadoodaas.

Safarkan labada Guddoomiye ayaa ah markii labaad ee ay sidan oo kale safar u wada galaan iyaga oo horaantii bishii Julay ee sanadkan aynu ku jirno ku tagay Waddanka Jabuuti taas ay diyarada ka wada raaceen Madaarka Hargeysa wakhtigaasina la sheegay inay kulamo gaar ah ku yeesheen waddankaas.taas,Ilaa hada ma cadaa ujeedada labadan masuul ay iskugu beegayaan safarkooda taas oo shaki badan ku gedaaman yahay safarada noocan oo kale ee ay ku tagayaan Waddamada jaarka ah iyada oo Xukuumada Somaliland ay hore ugu eedaysay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu kulamo gaar ah ka dalbaday laamaha aminiga ee wadanka Itoobiya, sidoo kale Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland MD Cali Maxamed Waran cadde ayaa ku eedeeyay xisbiyada Mucaaridka inay sabab u ahaayeen xidhitaankii labada xuduud ee Itoobiya iyo Jabuuti.Waxaa beryahan dambe ka socday gudaha Somaliland shirar doceedyo ay yeelanayaa Beelaha Habar Magaado taasoo ay sheegeen inay ku soo noolaynayaan wada jirka iyo wax-wada-qaybsiga Beelaha Habar magaado, iyada oo ay taasi jirto ayaa labadan Guddoomiy ee safarada wada gelayaa waxa la isla dhexmarayaa inay qayb ka yihiin soo noolaynta Habar magaado, taas oo hore warbaahintu u sheegay ina labadan Guddoomiye iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ay kulan alaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen Waddanka Jabuuti, taas oo la sheegay inay ka wada hadleen arimahan dhawaanta soo cusboonaaday ee olalaha loogu jiro shirarka Beelaha Habar magaado, sida warku sheegaayo kulankaas saddexda masuul wax war ah oo dhinacooda ka soo baxay ma jiraan isla markaasna safarkan labada guddoomiye ayaa la filayaa inuu daba socday kulankaas hore marka laga yimaado xaflada la sheegay inay ka qayb-galayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured