Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Jawaabaha Ay Xukuumadu Ka Bixisay Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Madasha Kana Hadlay Dhibaatooyinka Dalka Ka Taagan.

0
Friday August 15, 2014 - 19:01:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Jawaabaha Ay Xukuumadu Ka Bixisay Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Madasha Kana Hadlay Dhibaatooyinka Dalka Ka Taagan.

    Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si faah faahsan uga hadlay caqabadaha dalka horyaala, cabashada dadka reer somaliland ee gobolada qaar iyo maamulka lagaga dhawaaqay Saax Dheer ee Khaatum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si faah faahsan uga hadlay caqabadaha dalka horyaala, cabashada dadka reer somaliland ee gobolada qaar iyo maamulka lagaga dhawaaqay Saax Dheer ee Khaatumo Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si faah faahsan uga hadlay caqabadaha dalka horyaala, cabashada dadka reer somaliland ee gobolada qaar iyo maamulka lagaga dhawaaqay Saax Dheer ee Khaatumo State.Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo ka hadlayey munaasibad uu xisbigiisu ku soo dhawaynayey taageerayaal cusub oo ku soo biiray ayaa waxa uu xukuumada iyo shacabka Somaliland u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan danta guud isla markaana layska dhaafo danaha gaarka ah.

Gudoomiye Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe
Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya caqabadaha haatan hor yaala Somaliland ayaa waxa uu yidhi ““Somaliland waxa.maanta horyaala mashaakil badan oo aan afar sano horteed ooli jiray, nidaamkii dawladnimo wuu baaba’ay, aduunkana waxa ugu daran marka uu nidaamku kaa baaba’o oo uu is dhex galo oo aad ogaan waydo meesha uu ka socdo maamulku, taasna waxa u daliil ah sadex cisho ka hor labada xisbi mucaarid iyo madasha wada tashiga oo ah odayaal reer Somaliland ah oo soo tabcay oo talo la socda, waxay soo saareen war waxaany yidhaahdeen haddii doorasho dhici waydo talo ayaa layskugu imanayaa oo hay’addii ay ka dhamaato wakhtigii la doortay wakhtigiisa loo kordhin maayo oo nin saaqiday hadiyad lama siiyo, waxaanay ahayd inay dawladu soo kacdo oo ay hal af ku hadasho oo ay tidhaahdo waxaas waxba kama jiraan doorashana diyaar ayaanu u nahay oo komishankii waanu samaynaynaa lacagtiina waanu haynaa laakiin toban ayaa jawaabay midiba meel ka qayliyey.” Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay jawaabta ay xukuumadu ka bixisay heshiiskii ay wada gaadheen labada xisbi mucaarid iyo madasha wada tashigu, waxaanu aad u dhaliilay jawaabaha ka yimid dhinaca xukuumada oo uu sheegay inaanay ahayn qaar wada socda waxaanu yidhi ““midi waxa uu yidhi komishanku ha soo mareen degmooyinka oo dhan hana soo cadeeyaan inay wadanka oo dhan doorasho ka dhacayso, kama dhacayso oo doorashaba dhici mayso ayuu yidhi, ninka taas leh waxa laga yaabaa haddii uu maanta kursigii waayo inaanu mar danbe Hargeysa u hoyan oo uu tagi doono meelihii uu ka yimid, mid kale ayaa hadlay oo waxa uu yidhi waanaga diyaar lacagtii iyo komishankii wax dhulka naga yaalaa ma jiro habeena lagu dari maayo, mid kale oo shilin ka gelin Somaliland ragii kursiga uu ku fadhiyo siiyey ee u soo dagaalamay ee xalaaleeyey ayaa yidhi kuwaas madashu suuqa ayey fadh fadhiistaan ee maxaad kala hadlaysaan, nimankii kursiga u xalaaleeyey ayuu caayey cid looga ashkatoodaana ma jirto.” Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay halka ay maanta marayso himilada qaranimada Somaliland iyo tabashooyinka ay qabaan qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee ku nool gobolada dalka waxaanu yidhi “Himilada qaranimada Somaliland maanta ayey ugu daran tahay, waxaana ugu daran umad habawday oo aan is ogayn, halka aynu marayno iyo halka la marayaa waa kala jaad, Somaliland waxa loogu dedaalay inaanay hir gelin mudadaas 23sanadood ah, waxaana layna daba waday dhaawac somaliya ah, kolba waxa loo samaynayey dawlad way bakhtidadaa hadana mid kale ayaa laynagu kiciya intaasna waxa la doonayey in Somaliland cagaha laga jaro oo la baabiiyo, maanta ayeyna ugu dhaw yihiin laakiin ilaahii ina bad baadin jiray wuu joogaa, waa taas maanta sax dheer lagaga dhawaqay khaatumo state, waana taas af buuxa laynagu yidhi ka baxa xudun, ka baxa taleex, waa taas maanta laynaga xidhay xadkii djbouti iyo kii Ethiopia, waxaana hadhay oo kaliya khadadihii laynoo dhigayey oo la yidhaa Sool Iyo Sanaag waa dhul laysku haysto ee ka baxa oo dabadeedna la qabsado, qorhsihii lagu qabsan lahaana wuuu socdaa idinkuna ma ogodin.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay in wada hadal lala furo dadka ku nool gobolada bariga Somaliland gaar ahaana khaatumo waxaanu yidhi “Khaatumo waa lala hadlayaa waana dadkeenii way cabanayaan, nina xoog laguma haysan karo, somaali oo dhan ayaa iskugu keen tagtay oo xoog inagu haysan kari wayday, reer Laascaanood xoog kuma haysan karno, qalbigooda waa inaynu helnaa oo aynu cabashadooda dhagaysana, waa inaan awooda wax ka siinaa laakiin aniga ayaa kursiga fadhiyaya oo dhaqaalihii cunaya taasi inagama meel mari mayso.”Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu si ba’an u dhaliilay siyaasada ay u dhaqmayso beesha dhexe ee Somaliland oo uu tilmaamay inay wax walba isku soo koobtay waxaanu yidhi “Reer somaliland beesha dhex waxaad moodaa inay isku haysato qol madaw ayeynu isku habsaanay, xalkeenu maaha qabiil, xalka osmaliland waa cadaalad iyo in si wanaagsan wax look ala qaybsado, awooda iyo dhaqaalahaba si cadaalad ah loo wada qaybsado, inay cidi maqan tahay dawladi ma oga shacabna ma oga, inay cidi wax tirsanayso cid ogi ma jirto, salal ayaa qaylinaysa awdal ayaa qalinaysa, sool ayaa qaylinaysa, sanaag bari ayaa qaylinaysa, cid leh maxaynu yeelnaa ma jirto, inaga ayaa wixii soo baxa u dheeraynayna oo u kala badsanayna, inanka ka yimaada Laas Caanood ama Badhan ee Hargeysa yimaada gaajo ayaa ku dilaysa, wasiir Fiican oo lacag haysta ma helayo, ganacsi ma hayso, dhulkoodii wax lagama qaba, shaqo ma gaadhin, horu mar ma gaadhin, dadku muxuu idinkula joogayaa.”Ugu danbayntiina waxa uu talo u soo jeediyey madaxweyne siilaanyo shacabka Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay madaxweynaha iyo shacabka sidan qaran ku dhisi mayno, dalkana danbi ayeynu ka galaynaa , caruurta yar yare e 16 jirka ah ee lagu dilayo Liibiya ee naftoodii huray iyo waxa halkan lagu hayaa isma laha, umada waa loo shaqeeyaa ama been looma sheego, wado qaran lagu dhiso ma hayno, dawladu ma hayso, siyaasiyiinta,salaadiinta iyo shacabkuba ma hayaan, dantii la wada lahaa ee qarankuna way luntay.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured