Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Hadlay Sababaha Kor U Qaadaewsy Qiimaha Shidaalka Dalka
Hargeysa (Xogreebnews) Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali, ayaa Sheegay in Batroolka oo kala yara Go’ay uu sababay sicir-barar ku yimid qiimaha Batroolka dalka. Waxa uu sheegay in hadda la filayo inuu soo gaadho dalka Shidaal ku filan ka dib markii wax iska bedeleen Qaabkii shirkaddaha Shidaalka ka keenaan u soo Iibsan jireen Shidaalka.
Hargeysa (Xogreebnews) Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera
Saleebaan Siciid Cali, ayaa Sheegay in Batroolka oo kala yara Go’ay uu sababay
sicir-barar ku yimid qiimaha Batroolka dalka. Waxa uu sheegay in hadda la
filayo inuu soo gaadho dalka Shidaal ku filan ka dib markii wax iska bedeleen
Qaabkii shirkaddaha Shidaalka ka keenaan u soo Iibsan jireen Shidaalka. Qiimaha Shidaalka ayaa Maalmihii u dambeeyay kor u kacay, iyadoo
Qiimaha 10-ka Litir ee Batroolku ahaa SLSH 68,000(Sideed iyo lixdan Kun oo
Shilinka Somaliland ah) Ama $10 Dollar, hadda uu yahay SLSH 76,000, iyadoo
meelaha qaarna uu gaadhay SLSH 80,000. Hadabada Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo khadka
Telefoonka ugu waramay Wargeyska Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta
Qiime korodhka Shidaalka“Shidaal dalka wuu yaal, laakiin batroolkii shirkaduhu
keenayeen ayaa yaraaday oo dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey waxa yimi markab
keliya. Shidaalka waxa inoo keena shirkado gaar loo leeyahay oo dawladdu shidaal
ma keento, markaa shirkadaha wax baa ka yar xannibmay oo halkii ay ka soo raran
jireen iyo siday u soo raran jireen ayuu arrin kaga yimi, laakiin imminka
shidaalkii waa la helay oo maraakiibtii way ku maqan tahay, annaguna shirkadaha
shidaalka keena shir baannu la yeelanaynaa maalinta Jimcaha isha Allaah.” Maareeyaha oo la waydiiyey sababaha kaalmuhu kor ugu qaadeen
qiimaha shidaalka ay ku iibiyaan oo ah kii hore u yaallay, waxa uu ku jawaabay,
“Horta ganacsiga waad taqaanaa oo sicirku meel fadhiyo oo sidaa sarrifka
lacagta doollarku isku bedbeddelayso ee aannu isku midka u ahayn shalay iyo
maanta ayuun buu shidaalkuna la mid yahay. Ta kale, annagu sicirka ma jarno oo
shuuciyad ma nihin ee suuqeennu waa xor, taas ayaana keenaysa marka badeecaddu
yaraato in ganacsaduhu ku fikiro inuu ka faa’iidayso fursadda oo qiimaha wax ku
daro. Annagu waannu haynaa batrool, waanuna tashiilnay oo waannu
koobaynaa si aannu u dhammaan ilaa inta batroolka kale naga soo gaadhayo oo
maraakiibtu imanayso. Maalintii ilaa 3 kun oo litir ama ilaa toban booyadood oo
batrool ah ayaa laga qaadaa haamaha.” Leave a comment |
|
Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Hadlay Sababaha Kor U Qaadaewsy Qiimaha Shidaalka Dalka
Hargeysa (Xogreebnews) Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali, ayaa Sheegay in Batroolka oo kala yara Go’ay uu sababay sicir-barar ku yimid qiimaha Batroolka dalka. Waxa uu sheegay in hadda la filayo inuu soo gaadho dalka Sh