MAXAAD KA OGTAHAY OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?!!! (DUGAAG YAHOW QURXOON). Qeytii 1aad

0
Friday May 10, 2013 - 08:13:45 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAD KA OGTAHAY OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?!!! (DUGAAG YAHOW QURXOON). Qeytii 1aad

    Anjalia waa gabar Fanaanad Talyaani ah waxay jacayl u qaaday wiil dhalin yaro ah oo aad u qurux badnaa, kana dhashay dabaqada la xurmeeyo ee Dalka Talyaaniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anjalia waa gabar Fanaanad Talyaani ah waxay jacayl u qaaday wiil dhalin yaro ah oo aad u qurux badnaa, kana dhashay dabaqada la xurmeeyo ee Dalka Talyaaniga MAXAAD KA OGTAHAY OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?!!! (DUGAAG YAHOW QURXOON). Qeytii 1aad

Anjalia waa gabar Fanaanad Talyaani ah waxay jacayl u qaaday wiil dhalin yaro ah oo aad u qurux badnaa, kana dhashay dabaqada la xurmeeyo ee Dalka Talyaaniga hase ahaatee waxaa jacaylkeedii soo wajahay dhibaato kaga timid xaga wiilkaas ay jeclaatay, kadib markii uu shardi uga dhigay guurkeeda in uu ku xiran yahay iyadoo Fanka iskaga harto.
Inkastoo Anjalia Fanka nolosheeda barkeed ahaa, jacaylkana Qeyb kaloo nolosheeda kusoo korodhay yahay, ayaa xaalkeedu laba darin mid dooro noqday durbadii awooda jacaylka ayaa jiitay oo ku qasbay in ay Fanka iskaga harto, si ay u hanato wiilkaas ay jeclaatay kaasoo mudo kadib ay guursatay.

Anjalia oo Magac iyo Maamuuska ay ku lahayd Fanka lumisay, Taageerayaasheedii faraha badnaa ee marka ay maqlaan Codkeeda Dananaya Sacab iyo Shucuur qiiro leh la sara kici jiray, balse jacayl ayay waxaas oo idil ka dooratay, laakiin jacaylkaas kuma aysan najaxin oo markii ay aqal galkeeda Lix bilood kasoo wareegtay ayay waxay dareentay in saaxiibkeed ay dooratay uu ka xiisa dhacay, xagiisana waxaa kasoo galay dabay Bus iyo Habaas wadata, Taasoo ku noqotay naxdintii labaad ee ugu baaxadda wayneyd oo ay lakulanto tan iyo nolosheeda.
Anjalia fakar dheer ayay guda gashay dhaxalkii fakarkaasina waxa uu sahlay in ay dib isu soo abaabusho oo Fankii iyo Masraxii ay Magaca iyo Maamuuska ku lahayd kusoo rogaal celiso, iyadoo dhinac iskaga leexisay jacaylkii ku dhisnaa Caburinta iyo Xujada, isla qacdii ay Anjalia kulaabatay Fanka waxay dib u kasbatay taageerayaasheedii hore iyo kuwo cusub una heelan codkeeda dananaya.
Haddaba markii ay Anjalia hubsatay in heerkeedii hore iyo mid kasii wanaagsanba ay kajoogto Fankii uu kasoo dhexsaaray jacaylkii ku balan furay ayaa waxay u qortay dhambaal ay ugu Magac dartay “Dugaag yahow Qurxoon”, erey ahaan micnihiisu wuxuu noqonayaa “waxaa tahay dugaag lasiiyay suuradda Bani’aadamka oo qurux loosii raaciyay, balse ma aadan tixgalin ruux kalgacayl aawgiis uga tagay Magac iyo Maamuus waxa uu lahaa, waad ila Qurxooneyd oo i cajab galisay markii aan ku Gaclooday balse Qiimaha jacaylka waad ila garan waysay”.
Ereyadii dhambaalkaas Anjalia ay u qurtay wiilkaas waxaa ka mid ahaa:- “Waxaan kuu soo dirayaa Dugaag yahow qurxoon dhambaalkan aan ku cabirayo Shucuurteyda mudadii lixda bilood ahayd ee aan u go’doomay jacaylkaada, kuna Noolaa aqalka halka qol ka kooban ee aan Nuurka iyo Iftiinka lahayn adiga mooyaane, ma filayn in Nin kale aan Nolosha la qeybsan doono jacaylkaadii xad dhaafka ahaa ee aad igu Damac qasaarisay kasokow, Ma’aadan Tixgalin oo indha gaar ah uma aadan yeelan in Taajka Fanka aan daraadaa u dhigay, kuma ay Habooneen in Qofka sidaa yeelay aad sahashato, mana ahayn in aad iila dhaqanto sida Haweeney Caadi ah amaba aad igu masaaliso gabar si fudud kugu soogashay oo kale, waxay ahayd inaad jacaylka aan kugu soo galay qiimayso, masa dhicin oo waan ka xumahay in aad wanaagga jacaylka ila fahmi waysay.
Haa waan faham sanahay oo Dareensanahay in Maseyr kugalay, balse Maseyrku macnuu Rabaa waxaana kaa maqnaa wax badan oo Xusid, Tixgalin, iyo Hubsiimaba u baahnaa, Dugaag yahow Qurxoon ee aan Qiimaha jacaylka wax ka aqoon waxaad ka Masayrtay Sacabka baaxadda wayn leh oo dadka iisacbiyaan marka aan Masraxa Fanka fuulayo iyo marka aan ka dagayo…..Laakiin waxaad moogtahay in haddii aan awood aan u leeyahay intaas oo sacab ah oo aniga la iitumayo inta aan isku daro oo isku Jamciyo ayaan u badali lahaa Foox iyo Luubaan si aan adiga kugu uumiyo oo ay Caraftaada u baxdo.
Waan ogahay in aad ka Masayrtay Magacayga wayn ee dadku hadal hayaan mar walba, balse waxaad moogtahay in aan kuu iibin lahaa Magacayga oo aan kugu badali lahaa wax walba oo aad danaynayso hadday dani timaado, laakiin ima aadan garan ana kuma aanan garan oo waan is fahmi waynay ee nabaday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured