Hadduu Doonayo Wasiirka Xooluhu Inuu Qoolcaday Iyo Aroori Ka Dhiso Holding Ground Ama Ka Samynayo Seerayaal Waxaan Leenahay Wasiir Holding Ground -Na Looma Baahna

0
Thursday August 14, 2014 - 08:55:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadduu Doonayo Wasiirka Xooluhu Inuu Qoolcaday Iyo Aroori Ka Dhiso Holding Ground Ama Ka Samynayo Seerayaal Waxaan Leenahay Wasiir Holding Ground -Na Looma Baahna

    WAKHTIGAN OO DALKU LABA MAJAR BUU LEEYAHAY DAWLADUNA XOOLO MA DHOOFISO, SEERAYAASHUNA KUMA JIRAAN XILKA IYO WAAJIBAADKA QARAN KU KUU IGMADAY EE QARDAJEEXA ISKA DAA DALKANA NABADGALYO DARO HA U HORSEEDIN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAKHTIGAN OO DALKU LABA MAJAR BUU LEEYAHAY DAWLADUNA XOOLO MA DHOOFISO, SEERAYAASHUNA KUMA JIRAAN XILKA IYO WAAJIBAADKA QARAN KU KUU IGMADAY EE QARDAJEEXA ISKA DAA DALKANA NABADGALYO DARO HA U HORSEEDIN. Sida aynu la wada socono ama ay inoo soo gudbiso saxaafada madaniga ahi beryahan dambe muran xoogan oo u dhexeeya bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada dhul daaqsimeedka ah ee Qoolcaday iyo Aroori iyo wasiirka xoolaha oo laba afleynaya oo mar leh waxan ka sameynayaa Holding ground ( meel muddo xoolo dhoofa lagu hakiyo) marna leh waxan ka samaynayaa seerayaal ama afka.qalaad uu ku sheegey ( Rotational grazing system). Balse sidaan anigu qabo seerayaasha keydka ah ee loogu talago dadka xoolo dhaqatada ah iyo xoolohooda si loo badbaadiyo wakhtiyada abaarta waxaa loo yaqaan afka qalaad (Drought Reserve grazing).Haddaba waxaynu ognahay muraranka labada dhinac inuu gaadhay halkii ugu sareysay oo bulshada xoolo dhaqatada ee ku nool labadaas deegaan waxay dooda iyo diidmadooda ay ku difaacayaan dhul daaqsimeedkaq xoolohooda waxa iyana kala qaybgalay madax dhaqameed milgo iyo sharafba leh, aqoonyahan iyo waxgarad farabadan oo ka soo jeeda deegaanadaas oo kanafka ku dhuftay qorshaha uu wasiirka ka leeyahay labadaas goobood .Haddaba muranka ka dhashey ee u dhexeeya labada dhinac ee k u aadan gacan ku haynta dhul daaqsimeedka Qoolcaday oo ka tirsan gobolka Moroodijeex iyo dhul daaqsimeedka Aroori ee gobolka Togdheer si aynu ummadda ugu iftiimino cida khaladka leh bal aan marka hore aan is wediino su’aalahan hoosku xusan:-

1- Maanta xoolaheenu maseereyaal cusub bay u baahanyihiin? Mise seerayaasha hore ee sharci darada ahaa cid xoolaha u banaysa ayaa loo baahan yahay? Jawaabta suaashini waxaan filaayaa inta aqoonta iyo garashada la saaxiibihi inaan mugdi ku jirin. Waayo waxaynu wada ognahay dhibaatada ugu weyn ee wakhtigan haysata xoolaheena inay tahay daaqsinta oo ay la yihiin meel ay ku foofaan oo ay daaqaan.Maxaa yeelay waynu wada ognahay dhul daaqsimeedkii dalka in ay dad tiroyari ka sameysteen seeraayal sharci daro ah (illegal inclosures) oo xoolo daaqa daayo aanay sakaaro dhexmari karin.Sidaas darteed maaanta xoolaheenu seerayaal cusub oo laga sameeyo dhul daaqsimeedka Qoolcadey iyo Aroori ama meel kale uma baahna ee waxay ummad ahaan iyo qaran ahaanba inooga baahan yihiin inaynu u gurmano maanta oo aynu baabi ino seerayaasha hore sida sharci darada looga ootay dhul daaqsimeedka xoolaha ee dalkeena celcelis ahaan 80%. Waxase nasiib daro ah in wasiirkii qaranku igmaday daryeelka iyo horumarinta xoolaha isagoo og dhibaatada ay seerayaashu ku hayaan bulshada xoolo dhaqatada ah iyo xoolahoodaba dhinaca daaqsinta guud ahaan dalka Somaliland.Lasoco qaybta dambe
By haybe ismaaciil Banjoog



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured