Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Dab-damis Casri ah Oo Lagu Tallo Galay madaarka Cigaal.

0
Wednesday August 13, 2014 - 19:15:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Dab-damis Casri ah Oo Lagu Tallo Galay madaarka Cigaal.

    Hargeysa (xogreebnews.com- Wasiirada Wasaaraddaha Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu soo bandhigayey gaadhi dab-damis ah oo loo soo iibiyey Madaarka Ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Wasiirada Wasaaraddaha Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu soo bandhigayey gaadhi dab-damis ah oo loo soo iibiyey Madaarka Hargeysa.
Hargeysa (xogreebnews.com- Wasiirada Wasaaraddaha Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu soo bandhigayey gaadhi dab-damis ah oo loo soo iibiyey Madaarka Hargeysa.
Gaadhigani dabdamiska ah oo ah nooca loogu tallo galay in lagu bakhtiiyo wixii dab ah ee ka kaca Diyaaraha iyo dhismayaasha Madaaradka ayaa waxa kharashka lagu soo iibiyey bixisay Wasaaradda Maaliyada Somaliland, iyada oo laga soo iibiyey dalka Ingiriiska.
Labadada Wasiir ee Maaaliyada iyo Duulista ayaa kormeeray gaadhinaasi, oo lagu hor tijaabiyey laga shaqaysiiyey qaybaha kala duwan ee uu dabka ula tacaalo, iyo sida uu biyaha ugu tuuro goota uu dabku ka kaco, tijaabadaasi oo lagu samaayey gudaha Madaarka Cigaal Airport. Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay gaadhigaasi dab-damiska ah ayaa waxa uu yidhi “ saaka waxa aanu aniga iyo wasiirka Maaliyada mudane Cabdicasiis Samaale halkan u nimid oo aanu xafladan ku soo bandhigaynay gaadhi casri ah oo dabdamis ah, oo ku soo kordhay Madaarka Cigaal International Airport, gaadhigaasi oo uu baahi weyn u qabay madaarkeena caasimadu.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ mudadii Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo hogaaamiyaa ay tallda dalkan haysay ee aan anguna Wasiirada ka ahayn garoonkan waxa ku soo kordhay wax fara badan, maqaamkiisa iyo heerka sare ayuu ku kacay oo mid caalamiya ayuu noqday, markii hore wuxuu ahaa Garoon goboleed, arrinta kor u kacaiisu maaha mid sharaxaad nooga baahan, waa mid Indhaha caafimaadka qabaa ay arkayaa oo ay ka markhaati kacayaan, Lixdii qaybood ee ay ahayd inuu Garoobkani ka kordho ayaa qaybtii ugu dambaysay uu dab-damiskani uu ka yahay.”
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena waxa uu intaais ku daray “ Madaaradda waxa ugu muhiisan Nabad galaya iyo badqabka, labdaasi qodob oo aad u kala duwan, Nabad galyadu waa inuu dayndaakiisa la ilaalo, gudaha marka la galayo la adkeeyo, mishoono waxa lagu baadho la dhigo, dhamaantood in heerka looga baahan yahay ay noqdaan, qaybtaas hore ayeynu u dhamays tirnay, qaybta inoo dhinayd ayaa ahayd bad-qabka Diyaaraha waxa lagu ilaalinayo, hadii shil dhaco, iyo hadii qab kaco wax lagu la tacaalo, qaybtaasi waxay ahayd qaybta aynu ugu liidanay, hore warbaahinta waanu ugu sheegnay, gaadhigani waa kii ugu horeeyey ee noocan oo kale ah, ee Jamhuuriyaha Somaliland Madaaradeeda la keeno, baabuurkani waa mid qaali ah, lacag badana ku kacday, waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhinacayga taagan, oo arintaas meel mariyey la’aantooda aanay hawshaasi inoo suurawdeen, fahankooda, bisayl kooda iyo runtii meel marintooda ayaan ugu mahad celinayaas, maanta dabdamiskaasi baahida aynu u qabnay darteed wuxuu kalsooni galinayaa Diyaarahaha inoo imaada, ee hadii shilal ku dhacaan werwerka qabay ee hadii dab kaco dabdamis wax laga qabto tabayey, waxa uu soo jiidanayaa dayuurado cusub, kuwo cusub ayaa dalabkoodii keenay oo yidhi mar hadii dabdamiskaasi la keenay inaanu nimaado ayaanu rabnaa, kuwo kalena dab-damisyo ayaanu idiin keenaynayaa ayey yidhaahdeen, waa wax weyn oo garoonkeena ku soo kordhay, Madaarkeenu waxa uu noqday mid ka mida Madaarada gobolka ugu sumcarada sareeyaha, Madaarka madaaro ayeynu ku dharanaynayaa."Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay wasiirka duulista saaxiibkay Maxamuud Xaashi aadbaan maanta ugu farax sanahay inaaanu halkan isugu nimaadno munaasibadan aynu indhaheena ku arkanayo mid ka mida baahiyihii madaarkeena caasimada uu qabay oo Wasaaradda duulistu wax ka qabatay inyadoo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyada Somaliland , farxad weyn ayey inoo tahay ALLE ayeynu ku mahadinaynaa, maanta marxalada iyo hala uu Madaarka Cigaal marayaa waa meel lagu farxo, waana wax ALLE lagu mahadiyo, Madaxweynaha Somaliland ayaa mahadaas leh, Wasiira Duulista ee maanta xilka haya ayaa leh, runtii Wasiir Maxamuud waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa dabdamiskaas maanta yimid, baahiada uu madaarka Cigaal u qabo ayuu yidhi Wasaaradda maaliyada waxaan ugu baanahay kharashka dabdamiskaasi, oo si degdeg ah naloogu soo iibiyo, dabdamiska wuxuu ku jiray miisanaaniyada qaranak ee 2014-ka, waanu ku farsanahay Wasiirka iyo wasaaraduba inay keeneen dab-damis qiimo leh oo kaas aynu aragnay, anaguna wasaarad ahaan anaga oo fulinaya siyaaasada Xukuumada Madaxweyne siilaanyo ee lagu hogaaminayo qarankan , siyaasada Madaxweynahu uu noo igmday ee aanu Wasiirada ku nahay, waxaanu ku guulaynay dab-damiskaas, waxaan EEBBE ka barnayaa inuu dab inaga hayo, wixii imadana aynu ka gaashaamano, waa markii koowaad ee qaranka Somaliland ee 23 sanadood jiray ee madaarka Cigaal Internataoinal Airport la keeno dabdamis sidan oo kale casri u ah, ALLE ayaa mahadaas leh, Madaxweynaha iyo Wasiir Maxamuud-na way ku amaanan yihiin, Wasaaradda Maaliyadauna waxay Wasaaradda Duulisa u balan qaadaysaa inaanu Miisaaniyada sanadka 2015-ka ku darno gaadhi kale oo dabdamis ah INSHA ALLAH, si aani gaadhigani u noqon mid kaliya oo baahiada iman karnata wax ka qaban kari waaya, mid labaad ayaanu sanada soo socda bixina doonaa, si aynu ugu damabno cabsi kasta oo ka iman karna dabka.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sidoo kalena intaais ku daray “ guud ahaan waxqabadka balaadhan ee ay Wasaaraduu muujisay waa wax aynu ILAHAY ugu mahad celinayo, waa wax indhaha caafiaadka qabaa iyo caqliga caafimaadka qabaa iyo dadka sida wanaagsan wax u arkaa waa wax u muuqda, waa wax qofka xun iyo qofka xumaanta doonaya aynaan magan iyo marti midna ugu ahayn, sababtoo ah qofkaas buka ama xanuusanaya ma doonayo inaynu qancino, xukuumadini waajib saarnaa ayey ka soo baxday, 23 sano oo hore oo tagay iyo afar maanta xukuumadani jritay, waxyanu is leenahay afartan wixii la qbatay ayaa badan, waxan mar kale u mahad celinayaa Wasiirka Maxmuud Xaashi oo aan aamisnay inuu nasiib ku yeeshay in wax qabad muuqdaa uu ka hir galo madaarka Caasimada iyo dhamaan madaarka kale ee dalka, ha kala horeeyaan ha kala mudnaadaan, ha kala duwanadaadaan waxa laga qabanayaa, maaalin dhaweyd oo xarunta Wasaaradda la furyey oo aanu madaxweynaha Wada soconay saaxiibkay Cali waran cade ayaa kaftamay, oo wasiirkii hore ee Duulsita ahaan jiray, maanta Wasaarad tii hore ka weyn wasiir ka ah, wuxuu ku kaftamay waxaan is lahaa markuu saaxiibkay Maxamuu yimid Tallow wasaaraduu ma kuu darsan doontaa, laakiin wuxuu ka markhtaasi kacay halka ay maanta Wasaaraddu marayso..”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured