Musuq-maasuq Iyo Xatooyo Baahsan Oo Ka Taagan Barnaamijyada Hay`adda World Vision Ka Fuliso Magalada Baligubaddle Iyo Magacyadda Raga Lagu Eedaynayo

0
Wednesday August 13, 2014 - 16:42:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuq Iyo Xatooyo Baahsan Oo Ka Taagan Barnaamijyada Hay`adda World Vision Ka Fuliso Magalada Baligubaddle Iyo Magacyadda Raga Lagu Eedaynayo

    Baligubaddle(Xogreebnews) Hay`adda Word Vision oo ka mid ah Hay`addaha ugu wawayn ee ka shaqeeya dhinaca Sama falka,ayaa waxa ay inta badan ka fulisaa degaanadda somaliland barmaamijyo la xidhiidha dhinaca Gargaarka,sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baligubaddle(Xogreebnews) Hay`adda Word Vision oo ka mid ah Hay`addaha ugu wawayn ee ka shaqeeya dhinaca Sama falka,ayaa waxa ay inta badan ka fulisaa degaanadda somaliland barmaamijyo la xidhiidha dhinaca Gargaarka,sida

Baligubaddle(Xogreebnews)Hay`adda WordVisionoo ka mid ah Hay`addaha ugu wawayn ee ka shaqeeya dhinaca Sama falka,ayaa waxa ay inta badan ka fulisaa degaanadda somaliland barmaamijyo la xidhiidha dhinaca Gargaarka,sida Caafimaadka,waxbarshada,beeraha iyo kuwo kale.Magaladda Baligubaddle ee xarunta Gobolka Hawd waxa ay ka mid yihiin meelaha ay sida joogtada ah uga fuliso mashaaricda dhinaca taakulada ah,waxa anay si toos ah u badhi taartaa cusbitaalka Degmadda Baligubadle,halkaasi oo ay ka fulin jirtay adeegyo dhinaca dawoyinka Ah,balse dhawaanahan waxa isasoo tarayey musuq maasuq baahsan oo ragaadiyey habsami u socodka barnaamijyadaasi,xubno ka mid ah shaqaalaha cusbitaalka iyo dadkii ku xidhnaa mucaawinooyinkaasi kala duwan ayaa cabasho xoogan ka muujiyey,waxa ay sheegeen in si toos ah loo leexsado barnaamijyadaa mucaawinooyinka ay bixiso Hay`addu isla markaana anay gaadhin bartilmaameedkii loogutallogalay.

Daba gal iyo xog baadhis ay samaysay mareegta qarninews.com iyo dad kala duwan oo nooga xog waramay musuq maasuqa hadheeyay hanaankii bixinta mucaawinooyinkan oo aanu magacyadooda qarinay ayaa waxa ay farta ku fiiqeen laba nin oo ay magacyadooda ku soo koobeen Naaji Xasan Iyo Cabdi Afshaal oo ah raga inta badan gacanta ku haya mashruucyada noocan oo kale ah isla markaana loo soo wakiisho in ay yihiin kuwa ka dambeeya in musuq maasuq iyo xatooyo lagu sameeyo muwaawinooyinkan,isla markaana ay samaystaan waraaqo iyo dhukumentiyo been abuur ah si ay ugu xisaab celiyaan masuuliyiinta sar sare ee Hay`adda wax yaabo jeeb kooda ah oo aan xaqiiqda ku salaysnayn.waxa ay dadkaasi xog waranka siiyey shabakadda intaasi ku dareen in barnaamijyada la leexsaday ee sidii saxda ahayd aan loo bixin ay ka mid yihiin barnaamijka quudinta,waxyaabihii la siin jiray cusbitaalka Degmadda.



Gaba-gabadii waxa ay u soo jeediyeen masuuliyiinta sar sare ee Hay`adda in ay baadhis toos ah ku sameeyaan halka ay ku dambeeyaan mucaawinooyinka iyo barnaamijyada ay Hay`addu ka fuliso Gobolka isla markaana ay ragan hoos u eegaan hanaanka ay wax u bixiyaan iyo in lagu sameeyo daba gal iyaga ka madax banaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured