Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay In Ethiopia Si Rasmi Ah U Furtay Xuduuda iyo Shuruud Lagu Soo Rogay Dadka Ethiopia U Gudbaya
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia maanta si rasmi ah loo furay. Waxa uu sheegay in Ethiopia Maanta ku soo war galisay inay furtay Xuduudka si caadi ahna la iskaga gudbi karo Somaliland iyo Ethiopia xaduudka u dhexeeya.
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada
Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xuduudka Somaliland iyo
Ethiopia maanta si rasmi ah loo furay. Waxa uu sheegay in Ethiopia Maanta ku
soo war galisay inay furtay Xuduudka si caadi ahna la iskaga gudbi karo
Somaliland iyo Ethiopia xaduudka u dhexeeya. “Waxaan doonayaa inaan maanta idiin sheego inaanu la xidhiidhnay
Dawladda iyo Safaaradda Ethiopia oo aniga iyo Cali Warancadde si aada uga hawl
galay, maantana ay noo caddeeyeen in Safaradii marayay Tog-wajaale iyo dadkii
tagayay loo furay, sidaad Ogtihiin dadka Ethiopia tagaya ee Diyaaradda raacaya
ama Caafimaad iyo arimo kale u tagaya way baxayeen oo dhibaato badani ma
taagnayn, haseyeeshee Safarradii marayay Tog-wajaale iyo Xuduuda oo marka hore
dhibaato ka yara taagnayd waxay maanta noo sheegeen in si buuxda ay Dadka iyo
gaadiidkuba u marayaan laakiin, ay ku soo kordhiyeen in dadka Faraha laga
qaado. Markaa farahaas ayaa la iska qaadayaa waana in dadka tagaya ee Fiisaha
ka doonayaa ay Ogolaadaan Faraha la iska qaadayo oo ay kala shaqeeyaan
Ethiopia, haseyeeshee wax dhibaato ah oo dalka ka taagan ma jirto” ayuu yidhi
Wasiirka Arimaha dibada Somaliland. Dawladda Ethiopia ayaa Xuduudka Xidhay Bilihii la soo dhaafay sababo amaan awgeed ka dib markii Jabuuti Qaraxa ka dhacay Bishii may ee sanadkan. Qaraxa jabuuti oo dadka gaystay Somaliland sii mareen ayaa sababay in Ethiopia iyo Jabuuti Somaliland ka xidhaan xuduuda. Leave a comment |
|
Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay In Ethiopia Si Rasmi Ah U Furtay Xuduuda iyo Shuruud Lagu Soo Rogay Dadka Ethiopia U Gudbaya
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia maanta si rasmi ah loo furay. Waxa uu sheegay in Ethiopia Maanta ku soo war galisay inay furtay Xuduudka si caad