Reer Boorama Oo Dareen Qadhaadh Ka Bixiyay Xayiraada Xukuumada Somaliland Saartay Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Jabuuti Ee Lawyacado.

0
Wednesday August 13, 2014 - 16:31:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Boorama Oo Dareen Qadhaadh Ka Bixiyay Xayiraada Xukuumada Somaliland Saartay Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Jabuuti Ee Lawyacado.

    Boorama(xogreebnews.com-Dadwaynaha reer Awdal ayaa dareeno isku ladhan ka bixiyay xayiraada dhinaca isku gudubka ah ee ay xukuumada Somaliland maanta saartay xuduuda u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama(xogreebnews.com-Dadwaynaha reer Awdal ayaa dareeno isku ladhan ka bixiyay xayiraada dhinaca isku gudubka ah ee ay xukuumada Somaliland maanta saartay xuduuda u
Boorama(xogreebnews.com-Dadwaynaha reer Awdal ayaa dareeno isku ladhan ka bixiyay xayiraada dhinaca isku gudubka ah ee ay xukuumada Somaliland maanta saartay xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti ee magaalada Lawyacado, waxana uu odoroskan dadwaynuhu taabanayay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo amniga.Maxamed Xasan Cabdale oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku sugnaa Boorama ayaa waxa uu yidhi “Wax walaba waxaan u arkaa wax ka yimid dhinaca Djibouti, iyada ayaa go’aanka hore u gaadhay hadana iyada ayaa soo amartay in la xidho, waxa ay xukuumadu fulinaysaa waa amarkaas, waxana muhiim u ah xukuumada in xidhiidhka ay la leedahay Djibouti uu hagaago waxba iyada kama galin danta dadwaynaha”Muwaadin kale oo magaciisa ku soo koobay Aamina Sacdiya ayaa tidhi “Talaabadani waxa ay nolosha dadka ku yeelanaysaa saamayn xoogan, waxa jira dad badan oo ka yimid Djibouti oo maanta jooga Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal, sidoo kale dad badan oo reer Awdal ah ayaa noloshoodu si joogto ah ugu xidhnayd Djibouti, dadkaas ayay arintu taabanaysaa, dhaqaalahii hoos ayuu u dhacayaa, ganacsigii wuu xayirmayaa, waxana hubaal ah in ay nolosha degaano badan oo Awdal ah balse dhaqaale ahaan ku xidhnaa Djibouti uu soo foodsaarayo walaac xoogan”Muwaadin kale oo yidhi waxa la I yidhaa Ayaan Iidle ayaa xayiraada ku tilmaamay mid muhiim ah isaga oo yidhi “Amniga hadii la yidhi ha la sugo waa mid muhiim ah, wadadani waxa ay labada dhinacba u noqotay meel Halaq-mareen ah, waxana xukuumada waajib ka saran yahay inay amniga ilaaliso, talaabadanina waxa ay ka mid tahay talaabooyinka amniga lagu sugayo, waa intaas oo kaliya, waxa la yidhi wax sharci daro ahi kama soo gali karaan, wixii sharci watana way u banaan yahay”Caynaan oo ah muwaadin reer Djibouti ah oo ku sugan Boorama ayaa isaguna yidhi”Hadii ay tahay wixii sharci wataa way gudbi karaan waa arin iska caadi ah, balse hadii ay Somaliland leedahay gabi ahaanba lagama gudbi karo xadka waa dhibaato, waxa ay nagu kalifaysaa inaan ka wareegno ITOOBII oo aan soo gaabino waqtigii aan nasashada u joognay Somaliland”Arintu waa mid siyaasadaysan, waa turub aan la fahmayn oo ay labada dawladood wada ciyaarayaan, ma aqaan sababta keentay in la xidho jidka, marka labada dal la is barbar dhigana Somaliland ayaa ah mida khasaaraha ugu badan ku qabta, sababta oo ah waa hubaal inay wax badan kaga xidhan yihiin bulshada furnaanta jidkaasi, waa dhagax dhagax ka horgee, waxana ku dhibanaan doona arintan waxa ay tahay dadka reer Awdal” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Gaaxnuug oo siyaasiyiinta ku eedaynaya arinta xayiraada jidkaasi.Dhinaca kale Xadka ay labadan dal wadaagayaan ayaa waxa uu markii horaba ahaa mid ka xidhan dhinaca Djibouti, isla markaana ay adkayd sida ay muwaadiintu labada dhinacba isaga gudbaan, waxana ay talaabadani tahay mid xoogan oo si wayn looga hadal hayo magaalada Boorama, isla markaana ma jiraan ilo wareedyo sugan oo sheegaya in jidkaasi si rasmi ah u xidhan yahay, marka laga reebo in la sheegay inuu Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka ee Somaliland ku sugnaa maalmihii u dambeeyay Magaalda Lawyacado.
Si kastaba ha ahaatee waxa kale oo xusid mudan in degaanada buuralayda ka hooseeya eek u teedsan banka giriyaad sidoo kalana gaarsiisan dhinaca xeebaha Badda Cas ee gobolka Awdal ay yihiin dhul ay dadka iyo duunyada ku nooli ku xidhan yihiin dhinaca Djibouti, lacagta Fran-ka Djibouti waa lacagta ugu badan ee degaanadaas laga isticmaalo, sidoo kale idaacada raadiyaha RTD oo ah mida ugu badan ee dadka degaanadaasi ay dhagaystaan ayaa ka dhigtay tuulooyin iyo magaalooyin badan oo deegaanadan ku yaala in ay si dadban ugu xidhnaadaan dalka Djibouti. Waxa kale oo intan dheer xusidna mudan in wadooyinka burbursan ee gobolka Awdal ka jiraa ay degaanadan ka dhigeen kuwo ka go’an dalka intiisa kale, darisna la noqday Dal shisheeye oo ay ka soo waaridaan sharaabka iyo biyaha lagama maarmaanka u ah nolosha, maciishada iyo waxyaabo kale oo badan oo kaabayaasha nolosha ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured