Arradlaaweyaashii dhaqankooda

0
Tuesday August 12, 2014 - 20:21:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arradlaaweyaashii dhaqankooda

    Macaga Eebe ee nasxariis guud iyo mid gaar ahba leh ayaan ku bilaabayaa . intaas ka dib soomaalidu waxay ka midtahay qoomiyadaha ilaahay ku uumay geeska qaarada afrika waxaanay qarniyaal badan ku soo dhaqnaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macaga Eebe ee nasxariis guud iyo mid gaar ahba leh ayaan ku bilaabayaa . intaas ka dib soomaalidu waxay ka midtahay qoomiyadaha ilaahay ku uumay geeska qaarada afrika waxaanay qarniyaal badan ku soo dhaqnaayeen Macaga Eebe ee nasxariis guud iyo mid gaar ahba leh ayaan ku bilaabayaa . intaas ka dib soomaalidu waxay ka midtahay qoomiyadaha ilaahay ku uumay geeska qaarada afrika waxaanay qarniyaal badan ku soo dhaqnaayeen magaca ay doonaan ba ha la baxaane bariga qaarada afrika.
Soomaalidu bilawgii waxay ahaayeen kuwo ku nool dhulka miyiga ah noloshooduna waxay ku tiirsanayd qadhaabsi ay ka helaan kaymaha iyo dhul baadiyaha ay marayaan, ama ugaadhsi ay ugaadhsan jireen xayawaanada duur joogta ah orod ay eryadaan haku dilaan ama dabin ay u dhigeen haku dhacaan taasina waxay ka kaafiyi jirtay nolol maalmeedkooda waxay ahaayeen qaar halgan ugu jira sidii ay maaalin kasta u soo xero galin lahaayeen sahaydii iyo jicsinkii ay ku dhul mari lahaayeen. Soomalidu iyadoo aan hoy iyo baro ay ku hoydaan lahayn ayay kolba meel habeen degi jireen waxaana taariikhyahanadu sheegeen in markii dambe ay il baxeen oo ay noqdeen kuwo meel loogu soo hagaago.
Wixii ka dambeeyay 1596 soomaalidu waxay degaan u yeelatay xeebaha bari ee qaarada afrika sida aan aniga laftaydu ka akhristay buuga la magac baxay Dirkii sacmaalada wax ka sheeg ku filana ka bixinaya meel ka soo jeedka soomaalida oo uu qoray Axmed Ibraahim cawaale oo ku nool magaalada Hargeisa waxaanay noqdeen kuwo bilaaba ganacsiga iyo wax kala iibsiga waxaana la sheegaa wax iibsigii ugu horeeyay ee ay soomaalidu ay bilawday waxa uu ahaa ii doori. Wixii ka dambeeyay qarnigii 18 aad soomalidu waxay ahaayeen qaar ku dhisan dhaqan iyo hido ay ka dhaxleen kuwii degelka u dhigay qabiilooyinkii kala duwanaa ee ay ka soo farcameen soomalidu.
Hadii aynu ku soo durugno inta awawyaasheen garanayaan waxay ahaayeen bulsho dhaqankoodu uu yahay mid ku salaysan diinteena macaan ee islaamka iyo sunnihii suubanaw nabi maxamed NNKH, dhaqana aan u lahayn fool xumo, gaalnimo iyo wax la hal maala.
Bal aan tusaale u soo qaadano qoys yare ka kooban dhamaan xubnaha qoffeed ee bulshadu iskugu jirto iyo mid walba waxa uu dhaqankiisu ahaa.
Qalinkii Ayaanle Ali Osman Email: amiirayaanle@hotmail.com Hargeisa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured