Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Maanta Muqdisho Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay (Daawo Sawirada)

0
Tuesday August 12, 2014 - 19:23:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Maanta Muqdisho Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay (Daawo Sawirada)

    Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Safar dhoor cisho ah uu ku joogay Dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Safar dhoor cisho ah uu ku joogay Dalka Mareykanka. Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Safar dhoor cisho ah uu ku joogay Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha iyo xubnaha lasocday waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno katirsan labada Golle ee Dowlada iyo saraakiil iyo dadweyne kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkii hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhacay magaalada Washington ay ka soo baxeen go’aano aad u muhiimsan, kuwaasi oo ay ka midyihiin in la xoojiyo xiriirka Afrika iyo Mareykanka, heshiisyo lagu horumarinayo dhanka tamarta, fursad siinta dhalinyarada Qaaradda Afrika iyo Arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in isaga iyo wafdiga la socday ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo kuwa Maraykanka, waxaana uu Madaxweynaha tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka uu ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Jaaliyadda ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo horumarka dalka, islamarkaana ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured