Qaar Ka Mida Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Magaalada Birmingham Ee cariga Ingiriiska Oo Canbaareyay Falkii Lagu Xidhxidhay Qaar Kamida Ciidamada Boliska Iyo Askarta Gobolka Togdheer Oo Guryo Ay Ku Jireen Laga Daad Gureeyay Kana Codsaday Xukumada Sare In Si Degdeg Ah Loogu Soo Celiyo Xoriyadoodii.–

0
Tuesday August 12, 2014 - 19:20:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mida Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Magaalada Birmingham Ee cariga Ingiriiska Oo Canbaareyay Falkii Lagu Xidhxidhay Qaar Kamida Ciidamada Boliska Iyo Askarta Gobolka Togdheer Oo Guryo Ay Ku Jireen Laga Daad Gureeyay Kana Codsaday Xukumada Sare In Si Degdeg Ah Loogu Soo Celiyo Xoriyadoodii.–

    Birmingham(xogreebnews.com--Qaar Ka Mida Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Magaalada Birmingham Ee cariga Ingiriiska Oo Canbaareeyay Falkii Lagu Xidhxidhay Qaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Birmingham(xogreebnews.com--Qaar Ka Mida Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Magaalada Birmingham Ee cariga Ingiriiska Oo Canbaareeyay Falkii Lagu Xidhxidhay Qaar
Birmingham(xogreebnews.com--Qaar Ka Mida Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Nool Magaalada Birmingham Ee cariga Ingiriiska Oo Canbaareeyay Falkii Lagu Xidhxidhay Qaar Kamida Ciidamada Boliska Iyo Askarta Gobolka Togdheer Oo Guryo Ay Ku Jireen Laga Daad Gureeyay Kana Codsaday Xukumada Sare In Si Degdeg Ah Loogu Soo Celiyo Xoriyadoodii.Sidaana waxaa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadh siiyay saxafada.
Afhayeenka Jaaliyada Reer Somaliland ee Birmingham faarax ciro ayaa si kulul uga hadlay arinkan lagula kacay qaar ka mida ciidamada qarnka boliska magaalada burco oo jeelka loo taxaabay lagana qaaday xoriyadoodii kadib markii laga saaray guryo ay ku jireen 40 kii sano ee la soo dhaafay oo ahaa hantida qaranka lakiin la sheegay in la iibiyay xili xaadirkan.
Faarax Ciro ayaa sidoo kale waxaa uu ka mid yahay odayaasha lafdhabarka u ah gobolka togdheer kana soo qayb qaatay arimo badan oo wax tar u leh somaliland iyo gobolka togdheerba.Mr Faarax Ciro oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in ay tahay arin u baahan ka fiirsasho loona baahan yahay in caqliga bina aadamku shaqeeyo,Maaha in la xidhxidho ciidanka qaranka iyo muwaadiniinta waxii aan fal danbi ah gaysan ee waxay ahayd in lagu xaliyo sida caadiga ah ee aduunka lagu dhameeyo arimaha noocan oo kale ah oo leh qaynuun iyo sharaci lagu kala xadeeyo.Dawlada hoose iyo xukumada sareba waxaad mooda inay gaabis ka yihiin arimaha bulshada ee u baahan ka fiirsashada ka hor intaanu murgin oo soo shaacbixin khilaaafkasta oo soo dhex gala dadwaynaha iyo haayadaha dawliga ah ee kala duwan, waxayna galayaan marka aad aragtoba khaladaad fara badan oo soo noqnoqday dhawr jeer.
Xukumada sare ayaa ka masuul ah dalka ee yaanay isku sii dayn shacabka iyo 20 nin ee sheegtay inay golaha deegaanaka burco yihiin lakiin wax badani ka khaldan yihiin oo aanu maalin walba la yaabanahay falalka kala duwan ee ay ku kacayaan oo ay ka midtahay dhulkii hantida guud ee qadiimiga ahaa oo magaalada burco la wada xaraashay.?
Si kastab ha ahaate Arinkan ayaa ka dhashay kadib markii dawlada hoose ee degmada burco xaraashtay guryaha hantida guud ee ku yaala saldhiga dhexe ee burco oo midkiiba lagu qiimeeyay lacag dhan 100kun oo dollar.
8 ka mid ahaa boliska magaalada burco oo yaga iyo reerahoodii oo ay guryahaas ku jireen wakhti dheer ayaa si xooga laysugu dayay in looga saaro waxayna ka codsadeen dawlda hoose iyo tasare ee xaraashtay hantida qaranka in dhul badan la siiyo madaama aanay awoodi karayn inay kiraystaan guryo kale.
Jawaabta la siiyay ayaa noqotay in jeelka loo taxaabo shalay 7dodba ka mida boliska iyo hal gabadh oo yana ka mid ah dadka ku jiray guryahaa ku yaala saldhiga dhexe ee burco agteeda.


news.com- office Birmingham/Uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured