Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Walaac Ka Muujiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya, Kana Hadlay Marxadii Ay Dalka Hoggaminayen Iyo Marxalada Maanta Ee Siilanyo.

0
Tuesday August 12, 2014 - 18:55:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Walaac Ka Muujiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya, Kana Hadlay Marxadii Ay Dalka Hoggaminayen Iyo Marxalada Maanta Ee Siilanyo.

    Haargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay wada Axmed-Yuusuf-Yasin-aaahadalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay wada Axmed-Yuusuf-Yasin-aaahadalada Haargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay wada Axmed-Yuusuf-Yasin-aaahadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya, waxaanu sheegay in aanay wada hadaladani sii socon doonin, isaga oo tilmamaay in Somaliland iyo Somaliya meel aad u kala fog kala taagan yihiin, waxaanu xusay inay Somaliya taagan tahay midnimo, Somaliland-namadax banaani.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin ayaa isaga oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Somaliya ay ku soo waajahan tahay Somaliland, isla markaana ay ku mashquulsan tahay dagaalada ka jira dalkeeda, balse marka ay dagaladaasi ka dhammadaan ay si toos ah weerar ugu soo qaadayso Somaliland, waxaanu ku booriyey Xukuumadda dalka ka jirta iyo Shacabka inay u diyaar garoowdo Dagaal kaga yimaada Somaliya, oo Ciidamada dalka la dhiso. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo ugu horeyn ka hadlay Marxaladihii kala duwaana ee Somaliland soo martay iyo Xukuumadihii soo maray ayaa yidhi ”Wadanku waxa uu soo maray Marxalado kala duwan,oo aan u kala qaadi karo ilaa Shan Marxaladood, Marxalad walibana Marxaladii ay ka horeeysay ayey ka adkayd, Marxaladii ugu horeeysay waxa ay ahayd Halgankii Wadanka loo hallgaamayey, oo aan ku masaali karo dad la barakiciyey, inta la duqeeyey laga saaray Wadankii, oo dabadeed dib u halgamay, si ay Wadankoodii dib u xoreeyn lahaayeen, oo dabadeed dhiig badani ku daaday, Dhalinyaro badana ay halkaas ku socdeen oo ay Ciida hoos mareen, hanta badan ayaa inagaga lumayey, waxayna noqon kartaa Marxaladii ugu adkayd, oo ILLAAHAY inagu guulayey”.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka waramaya Marxaladii labaad ee uu Dalku soo maray ayaa yidhi “Marxaladii labaad waxa ay ahayd Marxaladii Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac ay Wadanka ka talinayeen, oo aan odhan karo waxa ay ahayd Marxaladii dib u heshiisiinta, ee dadka dib loo heshiisiinayey,oo iyana runtii ahayd Marxalad adag oo dadka wada hubeysnayeen,oo waxa ay ahayd Marxalad qudheedu aan hawl yarayn, maxa yeelay dadkii is dilayey ayaa dib loo heshiisiinayey, waxaana odhan karaa waxa ay ahayd Marxaladii labaad ee ugu adkayd ee ina soo marta, sababtoo ah dib ula soo noqoshada xoriyada dalkeenu wax hawl yar may ahayn, waxaana u mahadnaqaya Raggii wakhtigaas joogay.”Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo ka waramaya Marxaladii Saddexaad ee uu dalku soo maray waxa uu yidhi “Marxaladii Saddexaad ee uu dalku soo maray waxa ay ahayd Sannadkii 1993-kii, markiii Salka loo dhigaayey Wadanka, waxa ay ahayd Marxaladii ugu horeeysay ee la doorto Laba Gole, oo ah Wakiilo iyo Guurti oo la isku yidhaahdo Barlamaan, waxa kale oo la doortay Xukuumad shaqaynaysa iyo Garsoor, iyana waxa la odhan kara waxa ahayd Marxaladii Saddexaad ee ugu adkaa, maxa yeelay marka Guriga Salka ama Seeska loo dhisayo, waxa uu la awood yahay Dabaqyada la saarayo, waxa ay ahayd Marxaladaasi Hub ka dhigista,oo dadka hubka lagaga dhigayo oo Ciidan Qaran dib loogu abuurayo, may hawl yarayn in dad maleeshiyaad ah oo Sannado badan soo dagaalamayey in si yar Hubka laga dhigo, waxa kale oo ay ahayd Marxladii Hay’addaha Dawladda, lagu samaynayay.”.Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay Marxaladii ay isaga iyo Daahir Rayaale dalka xukumayeen ayaa yidhi “Marxaladii aniga iyo Daahir Rayaale Kaahin, mar waxa la sameeyey Doorasho Golaha Deegaanka ah, marna Doorasho Golaha Wakiilada ah, laba jeerna waxa la sameeyey Doorasho Madaxtooyo, mar waanu helnay marna waa lanaga helay, waxa aan odhan kara waa Marxalad uu Wadanku ka guurayey Qabiil una guurayey Doorashooyin Axsaab, waxa kale oo aanu balaadhinay isla markaana durkinay Xuduudihii dalka”.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo ka hadlay Marxalada Maanta ayaa yidhi “Marxaladan Maanta la joogo Gurigii waa la soo dhisay waana la taagay, marka waa Marxaladii Qurxinta, Guriga marka la taagana haddii aanu Qurxin lahayn wax ayaa ka dhiman, Marxaladan uu Maanta dalka Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo waa Marxaladii Guriga la qurxinaayey, Marxalada Siillaanyo ka dambaysanaa waa Marxaladii Guriga la goglaayey, ee dadka reer Somaliland ee dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba jooga ay ku soo xooran lahayeen, taas oo aan rajaynayo inuu Ictiraafka Wadanka uu noqon doono”Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey Xuduudaha Wadanku la wadaago dalalka jaarka ee xidhana waxa uu yidhi “Wadan kastaaba isaga ayaa Xuduudihiisa xor u ah, marka uu dareemaan amni daro, waxa aan odhan lahaa Maamulka Maanta jira ee Axmed Siillaanyo in hawl badan laga galo, sababtoo ah dhaqaalihii ayaa ku xidhan, waana inay wax furfuraan cabashada dhinaca Amnnigana la hagaajiyo”.


Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya ayaa yidhi “Qolada Somaliya ee Xamar aan dhaafsiisnayni waxa ay u haystaan inay halkana xukumaan, waana caqli aad u taag daran, oo aan xal keenayn, waa la wada hadlay,marka la wada hadlana qolo walba gunteeda waa la ogaanaya, inagu himilo ayeynu leenahay oo dalkeeni weynu la soo noqonay, taana wax ka weydiin mayno, marka anigu waxa aan qabaa in wada hadaladaasi aanay sii soconaynin, maxa yeelay inagu waxa aynu doonaynaa inay arimaheena kala gurano oo is macasaleemayno, Somaliyana waxa ay qabtaa inay wali ina Xukumaan, waana kaaf iyo kala dheeri, marka waxa aan leeyahay ha loo diyaar ahaado wax kasta oo iman kara, Ciidaanka ha la dhiso, oo xittaa ha la sameeyo Ciidan kayd inoo ahaada, Ardayda Dugsiyada sare ka soo baxa Ciidamo ha loo tababaro, Ciidamo Xoog leh ha la dhiso,oo xitaa Ciidamada Cirka ha la dhiso, waana Ciidamo aad muhiim u ah, waxaana qaba cid ina daynaysa oo halkan inagu daynaysa ma jirto, waxaana qaba Ninamka ina dayn waayey barigaas ee Wadanka inaga saaray Maantana ina dayn maayaan, Somaliya waxa ay inaga maqan tahay inta ay iyadu is haysato, ee Ashaab dagaalamayaan iyo inta ay iyagu Gudahooda iska haystaan, waxaan markaas leeyahay diyaar ha la ahaado, dadkana ha la isku keeno, oo ha la midoobo”.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan leeyahay marka ay noqoto arimaheena dibada ha la midoobo,oo wixii dalkeena dhib kaga iman kara dhinaca dibada meel ha looga soo wada jeesto, Gudaheenana si xalaal ah ha loo tartamo.”
cource geeska



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured