Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga

0
Tuesday August 12, 2014 - 07:41:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga

    Hargeysa (xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal wasaarihii hore ee Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan oo shacbiga Turkigu doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal wasaarihii hore ee Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan oo shacbiga Turkigu doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday ay ugu doorteen Madaxweynaha cusub ee wadanka Turkiga. Hargeysa (xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal wasaarihii hore ee Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan oo shacbiga Turkigu doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday ay ugu doorteen Madaxweynaha cusub ee wadanka Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu caawa soo saaray, kaasi oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyay Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,waxaanu dhambaalkaasi madaxweynuhu soo saaray u dhignaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca goleyaasha qaranka iyo ka shacbiga Somaliland kalsoonidooda, waxaanu Mudane Recep Tayyip Erdogan, aan adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee turkigaba waxaan kuugu hambalyaynayaa guushii
iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Turkigu ay ku siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Arrintaasi oo adigana Hoggaamiye ahaan kugu sii dhiirigelinaysa inaad halkaas ka sii wado horumarka xooga leh ee aad dalkaaga u horseeday.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen.
Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. WA BILAAHI TAWFIIQ.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured