Bulshada ku Dhaqan Deegaanka Bali-gubadle Oo Dheleecayn Kulul u jeediyey Maayirka Bali-gubadle Sheegayna in Uu Bulshada ka Dhex Abuuray Qabyaalad Baahsan

0
Monday August 11, 2014 - 20:15:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada ku Dhaqan Deegaanka Bali-gubadle Oo Dheleecayn Kulul u jeediyey Maayirka Bali-gubadle Sheegayna in Uu Bulshada ka Dhex Abuuray Qabyaalad Baahsan

    Bali-Gubadle( xogreebnews.com-Qaarka mida Bulshada ku dhaqan Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa dhaleecayn Balaadhan u jeediyey Maayirka Degmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bali-Gubadle( xogreebnews.com-Qaarka mida Bulshada ku dhaqan Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa dhaleecayn Balaadhan u jeediyey Maayirka Degmada Bali-Gubadle( xogreebnews.com-Qaarka mida Bulshada ku dhaqan Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa dhaleecayn Balaadhan u jeediyey Maayirka Degmada Baligubadle Cabdi iimaan jaamac waxayna sheegeen in uu Musuq maasuqay Hantidii Umada intii uu maayirka ahaa Boob cadna uu ku hayo dhulka dadka Shacabka ahi leeyihiin isla markaana magaalada Bali-gubadle uu ka wado Arin Qabyaaladaysan oo Deegaankaasi ka Abuuri kara dil iyo isku dhac horleh oo deegaankaasi ku soo kordha

Dadkan Cabanayay ayaa sidaasi waxay kaga hadleen mar ay magaalada Bali-gubadle kula hadleen Warbaahinta.Cabdiraxmaan ibraahin Xasan oo ka mida ganacsatada Deegaankaasi ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac isagoo arintaasi ku Sababeeyey In uu Boobay dhulkii iyo Hantidii Umada reer Bali-gubadle Waxaanu yidhi”waxaanu Mucaaridku nahay oo aanu ka soo Horjeednaa”Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac oo aad u Boobay dhulkii iyo Hantidii Umada reer Bali-gubadle”waxaanu Madaxa isku galiyey dadkii oo dhan”Maayirka Baligubadle waxaa uu Magaalada keenay qabyaalad aan hore loo arag deegaanka”Qabyaaladaasi oo saamaysay shicib iyo Madaxdba Cabdiraxmaan ibraahin Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa Waxaa uu intaasi ku darey “Hadaba hadii aanu nahay Bulshada reer Baligubadle waxaanu Dowlada Dhexe iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Baligubadle iyo cidkasta oo ay arintani khusayso ka codsanaynaa in ay wax ka qabtaan”hadii kale ay arintani sababi doonto dil iyo dhibaato hor leh oo ka dhaca Deegaanka Bali-gubadle.Waxaa iyaguna si cadho le uga hadley Dhibaatadan ka Taagan Deegaanka Baligubadle
Baashe Cabdi iyo Hooyo Jamaad iyo Xubno kale oo ka mida Shacabka Magaalada Bali-gubadle waxayna dhamaantood tilmaameen In hadii aan wax laga qaban Arintan maayirku ka wado Deegaankaasi Bali-gubadle ay Abuuri doonto khasaare iyo dhibaato hor leh.Waxayna Dowlada Dhexe ee Somaliland iyo Xildhibaanada golaha Deegaanka Baligubadle ka Codsadeen in Xilka laga Qaado si ay dhibaatadu u yaraato
Wariye:Maxamed Jiciir Aw Axmed
Maxamed.jiciir@gmail.com
Baligubadle/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured