Ururka Sama-falka ee Tabantaabo Oo Tuulada Diin-qal Ka Dhagax Dhigay Dhismaha Marasad Ay Maalgalintiisa Ku Deeqday Marwo Khadra Cumar Qardhaas

0
Monday August 11, 2014 - 19:52:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Sama-falka ee Tabantaabo Oo Tuulada Diin-qal Ka Dhagax Dhigay Dhismaha Marasad Ay Maalgalintiisa Ku Deeqday Marwo Khadra Cumar Qardhaas

    Hargeysa(Xogreebnews.com--Ururka Sama-falka ee Tabantaabo Voluntary Org ayaa maanlintii shalay dhagax dhigay dhisme madarisad ah oo laga fulinayay Tuulada Ceel la helay ama Diinqal,Madarisadaas oo ay maalgalianyso Muxsinad Marwo Khadra Cumar Qardhaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews.com--Ururka Sama-falka ee Tabantaabo Voluntary Org ayaa maanlintii shalay dhagax dhigay dhisme madarisad ah oo laga fulinayay Tuulada Ceel la helay ama Diinqal,Madarisadaas oo ay maalgalianyso Muxsinad Marwo Khadra Cumar Qardhaasiyadoo ugu waqfaysa aabaheed alla haw naxariistee cumar jaamac. Hargeysa(Xogreebnews.com--Ururka Sama-falka ee Tabantaabo Voluntary Org ayaa maanlintii shalay dhagax dhigay dhisme madarisad ah oo laga fulinayay Tuulada Ceel la helay ama Diinqal,Madarisadaas oo ay maalgalianyso Muxsinad Marwo Khadra Cumar Qardhaasiyadoo ugu waqfaysa aabaheed alla haw naxariistee cumar jaamac.

Xafladii lagu dhagax-dhigaayey Madarasadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Isu Duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Ibraahim,Suldaanka Guud ee beesha bariga Hargeysa Suldan Yuusuf Muxumed Xiirey iyo marti sharaf kale.



waxaa ugu horayn xafladaas ka hadlay Gudomiyaha Tuulada Ceel la-helay Oday Faarax Xasan isagoo isla markaana halkaasi uga mahadnaqay Marwo Khadra Cumar Qardhas dhismaha madarisadaa ay ka fulinayso deegaanka.Sidoo kale waxaa isana Madasha ka hadlayMadaxa waxbarashada ee Ururka Tabantaabo Jamaal Aadan Diiriye oo aad ugu mahadnaqay Marwo Khadra Cumar isagoo sheegayna in mar kastaba Ururku ka taageerto xaga waxbarshada iyo horumarka kale tuuladan,isagoo sheegay in ururku gacanta ku hayo ardayda madarisada tuulda oo markii hore ku dhigan jiray schoolka tuulada,isla markaasna tuulada ka garab taagan yahay dhan kastoo xaga horumarka ah.


waxaa iyaduna halkaa hadal ka soo jeedisay Marwo Khadra Cumar oo sheegtay in ay halkaa ka sii wadi doonto horumarka iyo mashaariicaha degmada sabawanag kanina aanu noqon doonin mashruuci u dambeeyay ee degmada ay ka fuliso,balse ay mar kasta ba ka war hayn doonto degmada sabawanag.
waxaa isaguna halkaa hadal ka soo jeediyay, galay Isu Duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Ibraahim,isagoo ku dheeraday ajarka ay leedahay sadaqada jaarigii isagoo sheegay in aad loogu baahnaa dhismaha madarisadan.

ugu dambayn waxaa xafladaas soo xidhay Suldaanka Guud ee beesha bariga Hargeysa Suldan YuusufMuxumed Xiirey ahna Suldaanka Guud ee beesha bariga Hargeysa Suldaanka Guud ee beesha bariga Hargeysa Suldan YuusufMuxumed Xiirey Suldan YuusufMuxumed Xiirey isagoo u mahad naqay Marwo Khadra Cumar Qardhaas sida ay markasta ogaalka ugu tahay degmda isagoo ugu baaqay qurbajoogta degmada sabawanag inay u soo jeestaan horumarka degmda sabawanag


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured