XOGREEBNEWS MA DHABBA ? :Siyaasiyiintii Waaweynaa Ee Dhulbahante Oo Ka Goostay Somaliland & Fu’aad Adan Cade Oo Ka Guuray Hargeysa

0
Monday August 11, 2014 - 19:50:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOGREEBNEWS MA DHABBA ? :Siyaasiyiintii Waaweynaa Ee Dhulbahante Oo Ka Goostay Somaliland & Fu’aad Adan Cade Oo Ka Guuray Hargeysa

    Hargeysa(xogreebnews.com-La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante ayaa la sheegayaa inuu ka goostay Somaliland. Warkani waxa uu sheegaya Fu’aad Aadan Cade oo ahaa Siya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante ayaa la sheegayaa inuu ka goostay Somaliland. Warkani waxa uu sheegaya Fu’aad Aadan Cade oo ahaa Siyaasiga kali ah ee Hargeysa(xogreebnews.com-La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante ayaa la sheegayaa inuu ka goostay Somaliland. Warkani waxa uu sheegaya Fu’aad Aadan Cade oo ahaa Siyaasiga kali ah ee Dhulbahante ee joogay Somaliland tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay in uu habeen hore ka guureeyey Hargeysa isla markaana ku sugan yahay magaaladda Xudun, halkaas oo uu ku sugayo Qoyskiisa oo Hargeysa kaga danbaysa. Fu’aad Aadan Cade waxa la sheegayaa safarkiisa in ay Xukuumaddu ka danbaysay markii hore oo ay u dirtay sidii uu uga maslixi lahaa dadka soo jeeda deegaankiisa oo diidmo kala hor yimi shirkad Shiidaal ka baadhaysa, taasoo aanu waxba ka ogayn markii la diray, balse la wargeliyey in uun markii laga hor yimi. Fu’aad Aadan Cade sida wararka ka soo baxayaa sheegayaan wuxuu bilihii u dabeeyey ka cadhaysnaa qaabka ay Xukuumaddu u maamulayso hawlaha ku aadan Goboladaasi gaar ahaan shiidaalka, kuwaas oo aan waxba lagala socodsiin isagoo ah Oday weyn oo Siyaasi ah isla markaana Aamisan Somalilandnimada. Xogahan ayaa tibaaxaya In Fu’aad maalmahanba ka cadhaysnaa Joogitaanka Somaliland, waxaana la hadal hayaa in uu marka horeba usii socday laba jiho oo midkood tahay Puntland, ta kalena tahay Khaatumo, kuwaas oo la hadal hayo inay beryahanba la soo xidhiidhayeen.Ma cada in Xukuumadda Somaliland ka hawl gashay baajintiisa iyo inay Ogtahay qorshihiisa toona, hase yeeshee wararka hoose waxay sheegayaan in Qoyskiisu u xadhko xidhan yihiin sidii ay uga daba tagi lahaayeen, iyagoo lagu wado inay si rasmi ah uga guuraan Somaliland.Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag iyo Sool ayaa beryahan u xadhko xidhan inay ku biiraan maamulada Khaatumo iyo Puntland, kuwaas oo ka cadhaysan Shiidaalka laga baadhayo deegaanadooda oo aanay waxba kala socon ama ay doonayaan in ay gadh-wadeen ka noqdaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured