Xogo Ku Duugan Kulankii Madexweyne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisii Hore Ganacsigu Isku Laab-Xaadheen iyo Wasiirada Ka Xanaaqey+Isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu sameeyo + Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la tuhunsan yahay inuu booska ka riixdo wasiirrada ugu culus degaankiisa

0
Monday August 11, 2014 - 19:28:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Ku Duugan Kulankii Madexweyne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisii Hore Ganacsigu Isku Laab-Xaadheen iyo Wasiirada Ka Xanaaqey+Isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu sameeyo + Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la tuhunsan yahay inuu booska ka riixdo wasiirrada ugu culus degaankiisa

    Hargeysa (xogreebnews.com-Xogo kala duwan, ayaa ka soo baxay kulan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Xogo kala duwan, ayaa ka soo baxay kulan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga Hargeysa (xogreebnews.com-Xogo kala duwan, ayaa ka soo baxay kulan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ku yeesheen qasriga madaxtooyada gelinkii hore ee shalay, iyagoo kulan kalena isugu yimi xalay.Ma jiro war si rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas iyo waxyaabaha lagaga wadahadlay, balse ilo-wareedyo arrimahaas u dhuun-daloola oo ku dhaw xarrunta madaxtooyada, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayso marwada koowaad ee qaranka marwo Aamina-weris Sheekh Maxamuud Jirde ay kulan khaas ah la yeesheen Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga looga qaaday khilaafkii KULMIYE dabayaaqadii bishii May ee sannadkan 2014, kadib markii uu xilligaas la saftay Muuse Biixi Cabdi oo murrashaxnimo madaxweyne ku dhawaaqay.Hasayeeshee, heshiiska Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweynuhu khilaafkooda ku daweeyeen oo xuduntiisu ahayd in Muuse Biixi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo uga tanaasulo madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay sabab u noqdeen dalab madaxtooyadu u dirtay wasiirkii hore ee ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kaasoo qasriga madaxtooyada lagu martiqaaday gelinkii hore ee shalay, iyadoo sida xoguhu tibaaxeen madaxweynaha iyo wasiirkiisii hore isku laab-xaadheen, iskana bogsiiyeen xanaftii ka dhalatay khilaafkii KULMIYE.Sida ilo-wareedyadu tilmaameen, madaxweyne Axmed Siilaanyo oo marwada 1aad wehelinayso iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa ay iska cafiyeen, iskana saamaxeen utunnada khilaafkii KULMIYE ee hadda laga heshiiyey, iyadoo la sheegay in si gaar ah la iskula afgartay in labada dhinac yeeshaan wadashaqayn intii hore ka fiican, maadaama digtoorku ka mid yahay guddida fullinta ee xisbiga KULMIYE, isla markaana aannu cadho la dudin, xisbiga tallada hayana ka bixin markii xilka laga qaaday sida ay sameeyeen rag badan oo markii xilalka wasiirnimo laga fadhiisiyey mucaaridnimo ku bilaabay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, isagoo Maxamed Cabdillaahi Cumar go’aankii uu ku garab isatagay Muuse Biixi Cabdi taageero xooggan kaga kasbaday degaannada Saaxil, Hargeysa iyo Gabilay.Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa la sheegay inay mar kale kulan gaar ah ku yeesheen xarrunta madaxtooyada xalay, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn arrimahan kulanka xalay lagu falanqeeyey iyo waxa ujeeddadiisu daaranayd.Hasayeeshee, Xogaha hoose ee ku labaan kulanka madaxweyne Siilaanyo la yeeshay wasiirkiisii hore ee ganacsiga, ayaa tibaaxay inuu salka ku hayo isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda, isla markaana mar kale lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, iyadoo la saadaalinayo in xilalka laga qaado qaar ka mid ah Wasiirrada xukuumada ee khilaafka ka dhex abuuray madaxweynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, wasiirradaas oo Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya muddo badan ka cabanayeen, kuna eedeeyeen inay xudun u yihiin muranka iyo khilaafkii kala irdheeyey xisbul-xaakimka iyo xukuumadiisa madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo.

Xogaha ku duugan kulanka ka dhacay qasriga madaxtooyada, ayaa sidoo kale u muuqda in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar booska ka riixan karo mid ka mid ah wasiirrada ugu culus xukuumada ee ka soo jeeda degaannada Gobolka Gabilay, iyadoo sida la sheegay shuruudaha Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo ku sida hoose ugu heshiiyeen ay ka mid yihiin in xilal loo magacaabo masuuliyiintii shaqadooda ku waayey taageerrada Guddoomiyaha KULMIYE xiligii ay is hayeen madaxweynaha, kuwaasoo uu hormuud ka yahay wasiirkii ganacsiga oo khilaafkaasi sabab u noqday inuu waayo booskiisii wasiirnimo
Source Jamhuuriya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured