Kuwa Qabaxda Saxaafada Musuqmaasuqa ayaa Leh Cidbaa Wax Musuqmasuqday. qalinkii calimahdi jibriil

0
Sunday August 10, 2014 - 19:44:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwa Qabaxda Saxaafada Musuqmaasuqa ayaa Leh Cidbaa Wax Musuqmasuqday. qalinkii calimahdi jibriil

    laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, somaliland waxaa kusoo badanaya Shaksiyada iyagu Mansabka Kusamaysanaya Darajo cusub oon hore dadkeenu u Aqoon Waa U Qaabilsanaha Warbaahinta Meel Hebla,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, somaliland waxaa kusoo badanaya Shaksiyada iyagu Mansabka Kusamaysanaya Darajo cusub oon hore dadkeenu u Aqoon Waa U Qaabilsanaha Warbaahinta Meel Hebla,

laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, somaliland waxaa kusoo badanaya Shaksiyada iyagu Mansabka Kusamaysanaya Darajo cusub oon hore dadkeenu u Aqoon Waa U Qaabilsanaha Warbaahinta Meel Hebla,


Waa shakhsi masuul adeer u ah u tegeya waxa uu ka codsanayaa inuu ka dhigo Adeege Saxaafada u yeedha marka ay hadlayaan ama shirar jaraa'id qabanayaan,
Waa Dilaal Weynaaday oo kala dilaala saxaafada iyo masuuliyiinta meeshaas, waa haldoor ku caanbaxay lunsashada lacagaha yaryar ee ''servise ah'' ee warbaahinta la siiyo, waa shakhsi ku caanbaxay cunsuriyad iyo qabyaalad kedib markuu arkay saxaafad badan oo u jajaban una adeegta danihiisa, waxaa galay Hunguri waxa uu isku bedelay derejo ah Xoghayaha Warfaafinta Meel Hebla Waa waraabe u taag baqsa warbaahinta waxaana uu lacago ku soo qaataa baahinta baro bugaandho isagoo adeegsanaya dhowr shakhsi oo hab beelaysan ula socda,
Waxa uu fadhiisanayaa xafiis masuulkii lahaa ka maqanyahay waxa uu si degdega ugu yeedhayaa dhawr weriye oo gacanyarayaal u ah waxa uu afxuma iyo cay u geysanayaa masuul qaran waxaana uu ku sheegayaa nin musuqmaasuqa ku caanbaxay, hada ogow kan musuqmaasuqa cid ku eedaynayaa waxa uu lunsadaa lacagihii warbaahinta loogu talo galay yaab, waxaase ka daran weriyeyaasha wax ka duubayaa way ogyihiin waxa uu yahay balse maxaa indhaha qabtay oo ay dadka ugu baahinyaan taas ku dheeraanmaayo.
mararka qaar waxa uu iska dhigayaa afhayeen meeshii uu joogay ah waxa uu si khaldan ugu hadlayaa afkii xarunta waxa uu meeshii ka luminyaa kumanaan taageerayaal ah.

tolow ma arkaan miyaa madaxdaasi dilaaliinta u dhuumatay, ma ka fekereen waxa uu qabanayo mase la socdaan waxyaabaha uu booshaaqayo mise waxaa indhaha tirtay tolnimada, mararka qaar waxa aad arkaysaa dhawr shaxaadyahan oo xoogaa yar kaga furanaya magaca ay ugu yeedhaan oo ah ''XOOG HAYE'' wuxuu iloobayaa amaanadii uu hayay iyo cidii lahayd waxan uu bixinayo, saxaafada wax garadka ahi waxay ugu yeedhaan isaga iyo faciisa kuwa ah ''dilaaliinta saxaafada iyo siyaasada''.

waa kuwo ka dilaala siyaasiyiinta waxayna uga dilaalaan saxaafada waxa ay usheegaan inay gacanta ugu hayaan warbaahinta oo ay wada shaqayn fiical la leeyihiin, waxayna iska dhigaan inay yihiin albaabka laga galo siyaasigaas, waana isku diraha dadka iyo siyaasiyiinta,

mararka qaar waxa ay been abuur ka samaynayan madax meel kale waxa ay sheegayaan inay madaxdaasi samaysay khiyaamo qaran balse ma arko inuu ka saas lihi uu sameeyay khiyaamo qabax.

suuqa waxa uu gelinayaa inuu saxaafada lacago ku siiyo wararka ay u qoraan hada waxa uu ka lunsadaa tii loogu dhiibay,

gebagabadii dilaaliinta saxaafada iyo xarumaha dowlada xisbiyada qaranka iyo ururada maxaliga ah maxaa uga meel yaala weriyeyaasha, warbaahintu ma isku raacsantahay sumcad dilka ay dilaaliintaasi ku hayaan warbaahinta waa handadaad.
ugu danbeyn waxaan fikir iyo talo ku siinayaa weriyeyaasha aan isku muhnada nahay inay iska ilaaliyaan dilaaliintaas oo ka dhiidhiyaan.

Qalinkii Suxufiga/abwaanka calimahdi jibriil xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured