Xisbiyada Mucaaridka Iyo MadashaWada-tashiga Oo Ku Baaqay In La Dhiso Xukumad Kumeel-gaadh Ah.

0
Sunday August 10, 2014 - 19:21:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaridka Iyo MadashaWada-tashiga Oo Ku Baaqay In La Dhiso Xukumad Kumeel-gaadh Ah.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka Hargeysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.
Waxa kale oo ay ka Dayriyeen in ay xukumada Siilaanyo ay diyaar u tahay in ay doorasho ka dhacdo dalka iyaga oo hoosta ka xariiqay in haaddii dalka doorasho ka dhiciweydo ay eeda leedahay Xukuumada wakhtigan jirta.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay wadda jir ugu qabteen Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa.
Shirkasi Jaraa’id ayaa wax aka qaybgalay masuul;iyiinta ugu sareysa ee Labbada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wadatashiga.Qoraal Dheer oo ay halkaasi ka akhriyeen ayaa waxa uu u dhigna sidan
In ay dalka ka jirto guud ahaan Nabadgelyo taam ah, taas oo muujinysa in aanay jirin Duruufaha ku xusan qodobka 83aad iyo 42aad, sidaasi darteedna ay waajib tahay in ay doorashooyinku Madaxweynaha iyo Golaha wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu cayimay oo ku addan 26juun 2015.
In ay lagamaarmaan ay tahay in la qabto diiwaangalinta codbixiyaasha muddadii loo qorsheyey, siodii horeba ay uga wadda heshiiyeen, Saddexda Xisbi qaran, Xukuumadda iyo Guddida Doorahooyinku si loo xaqiijiyo in ay dhacaan doorashooyin xor iyo Xalaal ah. si looga hor-tago in ay soo noqdaan Gol-daloolooyinka ka soo baxay Doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii. Ina ay lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha guddiga doorashooyink aqaranka la dhamma ys-tiro bilaha Ogost iyo Sibtambar gudahooda, mar haaddii muddo xileedka guddidani ku eeg yahay 29 Octoober. si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada Guddiga: Si loo abuuro duruufo Dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin Saddexda Xisbi Qaran ee doorashada ku tartamayaa. in ay Eedeeda yeelan doonto Xuumuddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay in ay qabato doorashada xilligeeda.in ay Waajib noqondoonto in wixii ka dambeeya 26ka juun 2015ka la dhiso xukuumad ku meel gaadh ah, oo loo dhan yahay , waajibkeeda koowaadna yahay in ay dalka doorshooyin.
. in haddii marka la gaadho 31ka diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato in aan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doona sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah eek or ku xusan.ALLA MAHAD LEH.
Qoraalkan ayaa waxa ku saxeexnaa
1. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe
2. Musharax Jaggada Madaxtinimad aee Ucid Jamal Cali Xusseen
3. Cali Maxmamed Yuusuf (Cali Guray)
4. Gudomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).
5. Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed.
6. Ibraahin Jaamac Cali rayte
7. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xassan Guurre.
8. Maxamed Xaashi.
9. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured