Lataliyihii Madaxweynaha Somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde Oo Ka Degay Xarunta Puntland Ee Garoowe & Dareenada Ku Xeeran

0
Saturday August 09, 2014 - 16:17:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lataliyihii Madaxweynaha Somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde Oo Ka Degay Xarunta Puntland Ee Garoowe & Dareenada Ku Xeeran

    Hargeysa(xogreebnews.com-Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa la soo weriyay inuu galabta galay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe. Xaabsade ayaa la sheegay inuu shalay galay Garoowe, ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa la soo weriyay inuu galabta galay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe. Xaabsade ayaa la sheegay inuu shalay galay Garoowe, ka dib markii uu ka Hargeysa(xogreebnews.com-Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa la soo weriyay inuu galabta galay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe. Xaabsade ayaa la sheegay inuu shalay galay Garoowe, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Jig-jiga ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay oo uu ku sugnaa magaaladda Jig-jiga ay u socdeen wada hadallo iyo cilaaqaad ku saabsan inuu Puntland ku biiro, ka dib markii uu ka biyo diiday dawladda Somaliland oo uu la Taliye Madaxweyne ka ahaa isla markaana uu ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta. Mr. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ilo xog ogaal ahi weriyeen in maamulka Madaxweyne Cabdi-weli Gaas ee Puntland ay ka wada hadleen sidii loo magacaabi lahaa mansab Wasiirnimo. Xaabsadde oo dhawaan siiyay waraysi qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu ku sheegay in uu isku qoomamaynayo talaabadii uu Somaliland kala shaqeeyay in magaaladda Laascaanood u soo gacan gasho Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inaanay kala tashan arrimaha la xidhiidha Gobolka Sool. Waa markii labaad ee Axmed Cabdi Xaabsade uu ka tago Somaliland, isagoo sannadkii 1997 ka tagay Somaliland ka dib markii loo dooran waayay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay sanadihii 1993-kii illaa 1996-kii. Axmed Cabdi Xaabsade mudadii uu dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay uu xilalka ka hayay Somaliland waxa uu eedaymo iyo hanjabaado kala duwan u jeedin jiray maamul goboleedka Puntland oo uu xiligaasi majaraha u hayay madaxweyne C/Raxmaan Faroolle.Puntland ayaa xiligii C/Raxmaan Farroolle waxay ku naanaysi jireen Axmed Xaabsade nin u kala dab-qaada oo iskaga wareega maamuladda kala duwan, iyagoo uga jeeday hadalkaasi inuu yahay nin aan mowqif siyaasadeed lahayn ee saaxiib la ah kuraasida iyo xilalka dawladnimo ee uu markaas ka tirsan yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured