Nuxurka Warbixin Lagu Sharaxay Walaaca Laga Qabo Khatar Amni Daro Oo Ay Horseedaan Ciidanka Ilaalinta Shirkaddaha Shidaalka Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews) Warbixin ay baahisay wakaaladda Qaramada midoobay ee IRIN oo ka hadasha Arimaha amaanka iyo bani-aadanimada ayaa lagu sheegay walaaca dhinaca amaanka ah ee laga qabo Ciidanka ilaalada Shirkaddaha Shidaalka (Oil Protection Unit) ee Sanadkii hore Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews) Warbixin ay baahisay wakaaladda Qaramada
midoobay ee IRIN oo ka hadasha Arimaha amaanka iyo bani-aadanimada ayaa lagu
sheegay walaaca dhinaca amaanka ah ee laga qabo Ciidanka ilaalada Shirkaddaha
Shidaalka (Oil Protection Unit) ee Sanadkii hore Somaliland sheegtya inay
samaynayso. Warbixinta oo Shalay IRIN daabacday ayaa sheegaysa in
Ciidankaasi mushkilad amni daro ka abuuri karaan Gobolada Sool iyo Sanaag oo
Shidaalka ugu badan laga baadhayo, halkaasi oo aanay amaankeedu fiicnayn
islamarkaana Somaliland iyo Puntland ku muransan yihiin. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inaanay Somaliland u
baahnayn dhaqaale kale oo dheeraad ah oo ay Ciidankaasi ku bixiso. Waxay
sheegtay IRIN in Ciidankan oo aan wali la hir galin, lahayn shaqaale iyo
Saldhig ay ka hawl galaan, balse Somaliland ay ka go’antahay dhamaadka sanadkan
inay hawl galaan, lacagta ku baxaysaa tahay $20 ilaa 25 Milyan oo Dollar
sanadkii. Waxay sheegtay in Somaliland boqolkiiba afar iyo konton(54%)
Miisaaniyada Somaliland oo dhan 212 Milyan lagu bixiyo Amaanka. Warbixinta oo ka hadlaysay Dhibaatada amaan daro ee ay
Ciidankani horseedi doonaan waxay sheegaysaa in Xiisada Puntland iyo Somaliland
kor u kacayso. Waxay sheegtay in Xukumadda Muqdisho kor u qaaday tartankeeda ay
ku raadinayso inay Somaliland ka hor istaagto shidaal baadhista iyo inay
kordhiso taageerada kooxaha Somaliland ka soo horjeeda. “Waxaa bilihii u dambeeyay la arkayay in Maamulka Puntland iyo
Xukumadda Muqdisho ee Somalia ay kordhiyeen danayntooda Siyaasaddeed iyo
taageerada dhaqaale ee ay siinayaan hogaamiyeyaasha Sool ee Diidan Somaliland,
kuwaasi oo doonaya inay dhisaan Maamul Somalia hoos taga oo Khaatumo la
yidhaahdo. Muqdisho waxay Hargeysa kula tartamaysaa Sharciyada ay u leedahay
Shidaal Baadhista” ayaa lagu yidhi Warbixinta. “Marka saddex dhinacoo kala duwan si wax u kala
tafsiirtaan amma cidda iska leh dhulka, ciidammada Somaliland ee Ilaalada
Shidaalka ee OPU waa qaar khatar badan keeni kara, calaamad colaadeedna u
diraya oo tilmaamaya in cidii kula tartamaysay aanay awood lahayn, taasina
waxay hurinaysa colaada ka taagan degaannadaas (Sool iyo Sanaag).” Sidaa waxa
yidhi qof warbixintu soo xigatay oo kahawlgala horumarinta shidaalka
oodiiday in magaciisa la sheego. Warbixintu waxay walaac ka muujisay Sharciyada Ciidanka Shidaal
Baadhista OPU oo Xukumaddu ku doodayso inay ka mid yihiin Ciidanka Booliska
islamarkaana aanay ahayn Ciidan gaar ah, iyadoo dastuurka Somaliland na
Ogolayn. Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa IRIN u sheegay inaan
Shirkaddaha shidaalku ka cabanayn dadka degaanka balse ay ka walaacsan yihiin
kooxaha kale sida Al-shabaab, sidaasi darteedna aanay ciidankani cidna ku ahayn
khatar. Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, oo Golaha wakiilada Somaliland
ka tirsan ayaa IRIN u sheegay in Ciidan kasta oo ka baxsan Ciidanak Militariga,
Booliska iyo Ciidanka badda uu dastuurka baal marsan yahay islamarkaana ay
tahay in Baarlamaanku meel mariyo sharciyadooda. “Waxaan aaminsanahay inay Unug ahaan u baahan yihiin Sharci u
Ogolaanaya inay hawl galaan, si loogu maamulo. Inta sharcigaasi lagu maamulayaa
jirina waxay noqonayaan Ciidan Militari oo aan sharci ahayn” ayuu yidhi
Xildhibaan Rayte. Warbixinta waxa lagu sheegay in La-taliyaha Ammaanka ee Dawladda
Ingiriiska Mr. Assaye Risk uu Somaliland talo ahaan ku siiyey inay si hordhac
ah u shaqaalaysiisato 420 askari oo ciidammada OPU lagu bilaabo, tirada
guud ee ciidankana lagu jaan-gooyo 580 askari, kuwaasoo loo kala qaybin doonoo
lix unug oo si toosa u hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si looga hortago
khataraha ku imaan kara shirkadaha shidaalka ee dalka ka hawlgalaya, iyadoo
kharashaadka ciidankan ku baxayana ay bixinayso shirkadda Genel Energy. Shirkadaha Somaliland shidaalka ka baadhaya oo ay hormood u
yihiin shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Genel Energy, shirkadda Imaraadka ah
ee RAK Gas, shirkadda Norwegian/UAE ee DNO iyo shirkadda Ansan Wikfs oo dalka
Yemen ka diiwaangashan leeyahay, ayaa ciidammadan ilaalin doonaan marka ay
hawshooda si rasmi ah u bilaabaan. Leave a comment |
|
Nuxurka Warbixin Lagu Sharaxay Walaaca Laga Qabo Khatar Amni Daro Oo Ay Horseedaan Ciidanka Ilaalinta Shirkaddaha Shidaalka Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews) Warbixin ay baahisay wakaaladda Qaramada midoobay ee IRIN oo ka hadasha Arimaha amaanka iyo bani-aadanimada ayaa lagu sheegay walaaca dhinaca amaanka ah ee laga qabo Ciidanka ilaalada Shirkaddaha Shidaalka (Oil Protection Unit)