Guddoomiyaha WADDANI Oo Kulan Qado Ah Oo Daba Socda Kii Warancadde Ku Casuumay Odayaasha Bariga Hargeysa.

0
Friday August 08, 2014 - 08:42:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha WADDANI Oo Kulan Qado Ah Oo Daba Socda Kii Warancadde Ku Casuumay Odayaasha Bariga Hargeysa.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shalay Kulan Qado ah waxa uu shalay Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa ugu sameeyey Salaadiinta Beelaha Bariga Hargeysa iyo Galbeedka Burco, kulan daba socday Kii Wasiirka Daakhiligu dhawaan Huteel Ambasaddor ugu sameeyey isla odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta beeshan.Kulankan shalay dhex Maray Odayaasha Beelaha Bariga Hargeysa ayaa la sheegay in uu martiqaadka lahaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo isagu odayaasha ugu yeedhay laba arrimood oo kala ah in uu kasbado kalsoonida Odayaasha Beesha uu ka soo jeedo maadaama la galay wakhti siyaasadeed oo la kala hororsanayo awoodaha Bulshada, odayaasha dhaqankuna saamayn weyn ku leeyihiin qaab dhismeedka awoodeed ee beelaha Somaliland, muddooyinkan dambena ay soo baxayaan siyaasadoo habaraysan oo shaaraca yimid markii ugu horraysay in muddo ah.Ilo-wareedyo xog ogaal ah oo aanu ka hellay kulankaasi ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, odayaasha ka codsaday in aanay xukuumaddu saamayn ku yeelan ee ay ku ekaadaan Hawsha Suldaanimo isaga oo daba socday hadal ay qaar ka mid ah madax dhaqameedka beeshani dhawaan ka soo saareen arrimaha siyaasadaysan ee ay ka mid tahay sheekada Habar Magaado ee beryahan dalka ku jirtay balse waxa hadalka Guddoomiyaha ka hor yimid xubno ka mid ah Madax dhaqameedkii uu casuumadda u fidiyey oo sheegay in ay xukuumadda la shaqaynayaan xisbiyada qarankana la shaqaynayaan oo ay dhammaan dalka salaadiin u yihiin ee aanay iyagu wax gaar ah wadin, arrintaasi oo aan u cuntamin Guddoomiyaha xisbiga WADDANI.Mudadii kulankani socday waxa tiraba dhawr jeer ka dhashay buuq iyo hadalo kulul oo madasha la isku waydaarsaday. Madax dhaqameedka qaar ka mid ah oo diiddanaa arrinkii Wasiirka Daakhiliga ee joojinta sheekada Habar Magaado ayaa muujinayay sida ay ula dhacsan yihiin arrinka Guddoomiyaha WADDANI la shir yimid halka kuwo kalena diidanaayeen in arrimahaasi siyaasadaysan la sii wadwado. Wararka aanu kulankaasi ka helaynaa waxa ay intaasi ku darayaan in madax dhaqameedkii iyo Guddoomiyaha WADDANI kulankoodu ku soo dhammaaday iyada oo aan waxba la isku diidanayn waxna la isku wada raacsanayn taasi oo muujinaysa sida ay odayaasha beeshu arrinkan ugu kala fikrad duwanaayeen. Kulamadan ayaa daba socda kulanno siyaasadeed oo dhawaan magaalada Hargeysa ku dhex maray dhallinyaro ka soo kala jeeda Beelaha Habar Awal iyo Garxajis oo lagu qabtay magaca Beelaha Magaado arrinkaasi oo xukuumaddu ka gilgilatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured