Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Oo Sheegay Inay Xal Kama Dambays Ah Ka Gaadheen Khilaafkii Kulmiye

0
Thursday August 07, 2014 - 22:26:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Oo Sheegay Inay Xal Kama Dambays Ah Ka Gaadheen Khilaafkii Kulmiye

    Hargeysa(Xogreebnews_ Shirkii Golaha wasiiradda Somaliland ee Khamiista Maanta ah ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaga dhawaaqeen in xal kama dambeys ah laga gaadhay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee mudada jiita

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews_ Shirkii Golaha wasiiradda Somaliland ee Khamiista Maanta ah ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaga dhawaaqeen in xal kama dambeys ah laga gaadhay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee mudada jiitamayay. Gudoomiyaha kulmiye oo shirka wasiirada ka soo qayb galay ayaa sheegay in Loolankii Xisbigu dhamaaday.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in isaga iyo Muuse ku heshiiyeen Qodobadii Guddida Golaha guurtidu hore uga soo saartay Khilaafka Kulmiye.

“Waxaa maanta inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay isago hadal guubaabo ah intaasi raaciyay

“Ugu dambeyntii waxaan u baahannahay inaynu Midnimo iyo isku duubni iyo isku tiirsanaan kuwada shaqayno Xisbi ahaan iyo Xukumad ahaanba” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in Loolan xisbiga Kulmiye galay dhamaaday wakhtigana ay tahay in midnimada xisbiga laga shaqeeyo xukumad ahaan iyo Xisbi ahaanba.

Maalmihii u dambeysay ayaa la sheegayay in Muuse Biixi doonayo in xubno loogu daro Golaha fulinta Xisbiga balse laguma soo hadal qaadin kulankan wax sad bursiimo ah oo la siiyay Muuse Biixi.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured