Hub Urursi Xoogan Oo Ka Socda Goob Uu Toddobaadkii Hore Dagaal Ku Dhexmaray Beelaha Arab Barri Iyo Habar-jeclo

0
Thursday August 07, 2014 - 22:16:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hub Urursi Xoogan Oo Ka Socda Goob Uu Toddobaadkii Hore Dagaal Ku Dhexmaray Beelaha Arab Barri Iyo Habar-jeclo

    Burco(Xogreebnews_iisad colaadeed oo Beelaha arab Bari iyo habarjeclo u dhaxaysa oo toddobaadyadii u dambeeyay isku hor fadhiyey waqooyiga burco oo 38 km u jira magaaladda burco deegaanka lagu magacaabo baliga Diiriye,ayaa waraka hada soo baxayaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Xogreebnews_iisad colaadeed oo Beelaha arab Bari iyo habarjeclo u dhaxaysa oo toddobaadyadii u dambeeyay isku hor fadhiyey waqooyiga burco oo 38 km u jira magaaladda burco deegaanka lagu magacaabo baliga Diiriye,ayaa waraka hada soo baxayaa sheegayaan in ay qarka u saaranyihiin in uu mar kale dagaal ka dhex qarxo.


Burco(Xogreebnews_iisad colaadeed oo Beelaha arab Bari iyo habarjeclo u dhaxaysa oo toddobaadyadii u dambeeyay isku hor fadhiyey waqooyiga burco oo 38 km u jira magaaladda burco deegaanka lagu magacaabo baliga Diiriye,ayaa waraka hada soo baxayaa sheegayaan in ay qarka u saaranyihiin in uu mar kale dagaal ka dhex qarxo.
wararka aanu helayno ayaa sheegaya in hub urursi badani ka socdo agaasi oo ay labada dhinac mid walba dhinacooda u hub guranayso,ilaa iyo hada ma jirto dhex dhexaadin lagu kala fardaaminayo baladan reer ee ay dirirtu kala dhex taagantahay,waxaana hada soo baxaya dareeno wajyo kala gadisan leh oo dhinaca xukuumadda laga dareemaya,kuwaasi oo sheegaya in ay xukuumadda madaxwayne silanyo u jeedooyin ka leedahay,ujeedooyinkaasi oo ah kuwo la xidhiidha arrimaha dhinaca siyaasada.warbaahinta Qarni news waxa ay ogaatay in ay xukuumaddu tamaninayso in khilaaf kasta iyo dagaal beeleed kasta oo xiligan ka dhaca gudaha somaliland ay muddo kordhin u samaynayso xukuumadda silanyo,waana ta ay u fardaamin wayday ee aanay ilaa hada wafti islaaxin ah ugu dirin ilaa hada,geesta kale waa tabo ka mid ah dagaalada noocan oo kale ah ee ay madaxtooyadu iska hor keenayso goobaha ay mucaaradadu kaga imanayso,sida midawga beelaha Habarmagaado,oo uu u arko madaxwayne silanyo in ay tahay tab xisbiyada mucaaridku ay ku mijo xaabin karaan kursiga madaxwayne silanyo,waxaana tuhunadan soo xoogaynaya Beesha Arab Barri ama guud ahaan Beel waynta Arab oo ah beesha hada samaynta ugu wayn ku leh amaba u ololaynaysa midawga beelaha habarmagaado,iyada oo ay beeshan kale ee dhinaca ka ah dirirtan beelaysan ay tahay beesha habar jeclo ee uu madaxwayne silanyo ka soo jeedo.
si kastaba ha ahaatee khilaaf ama dagaal beeleedyo wakhtigan ka dhaca somaliland ayaa ah nasiib darro dhaawac ku ah somaliland madama hore looga soo gudbay is muquunintii beelaha ku salaysnayd,hadii ay maanta muddo kordhin ku dalbato arrinkan iska hor keenka beelaha ah ayaa ah wax aanay aqbali karin bulsha waynta somaliland sida toosan uga fikiraya ayaha dalkooda.waxana la gudboon xukuumadda silanyo hadii anay muraad siyaasadeed ka lahayn in ay ka qayb qaadato sidii dhibaatadaa soo ifbaxayso loo damin lahaa,inta anay dhib inta ilaa hada dhacday ka badani soo dhicin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured