Shirka Beelaha Bagaado ee Xukuumadu Sida Fiinta Uga Qaylisay Wuxuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay GAR ADAG 2009-kii ee ay Ka Qayb Galeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo.

0
Thursday August 07, 2014 - 19:19:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Beelaha Bagaado ee Xukuumadu Sida Fiinta Uga Qaylisay Wuxuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay GAR ADAG 2009-kii ee ay Ka Qayb Galeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo.

    Shirka Beelaha Bagaado ee Xukuumadu Sida Fiinta Uga Qaylisay Wuxuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay GAR ADAG 2009-kii ee ay Ka Qayb Galeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Beelaha Bagaado ee Xukuumadu Sida Fiinta Uga Qaylisay Wuxuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay GAR ADAG 2009-kii ee ay Ka Qayb Galeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo. Dastuurka Somaliland wuxuu ka kooban yahay 130 qodob kumana jiro qodob kaliya oo diidaya in ay beeluhu shiri karaan,oo ay aayahooda ka tashan karaan, hadii shirkaasi uusan ahayn mid ka hor jeeda qaranimada Somaliland,intii uu dastuurka Somaliland jirayna way shiri jireen beelaha Somaliland.
Maah maah soomalyeedbaa jirta oo tidhaahda mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido ,shirka aynu tusaalaha u soo qaadan karnaana waa shirkii ka dhacay GAR ADAG 2009-KII ee ay ka qayb galeen Siilaanyo iyo Saleebaan gaal, markii uu siilaanyo shirkaasi ka qayb galayey wuxuu ahaa musharax madaxweyne waxaanu ahaa gudoomiyihii xisbigii mucaaradka ahaa ee KULMIYE ,sidoo kalena saleebaan gaal markii uu shirkaasi ka qayb galayeyna wuxuu ahaa gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ,oo uu wakhtigan aynu joognana uu yahay gudoomiyaha guurtida,iyadoo uu weliba salebaan gaal uu ka mid ahaa madaxtii sar sare ee xisbigii talada dalka hayey ee UDUB,iyadoo aynu wada og nahay sidii afkaarta siyaasada ay labadaasi xisbi ugu kala fogaayeen ,hadana siilaanyo iyo saleebaan gaal waxay shirka ka soo wada qayb galeen ,iyagoo ka talinaya aaayaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee beeshooda.Hadaba su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay WADAN CADANE marka uu manta ka dhex hadlayo qaar ka mid ah salaadiinta iyo odayaasha bariga hargeysa ee shirka HABAR MAGAADO ku sheegaya shir qabyaaladeed muxuu shirkii GAR ADAG ee 2009-kii ugu sheegi waayey shir qabyaaladeed.Su’aashan jawaabteedu way fududahay oo xukuumadii UDUB ee Daahir Rayaale wax dhibaato ah umay arki jirin ,hadii ay beeli iskugu timaado shir ay beeli aayaheeda kaga tashanayso sidii kii GAR ADAG oo kale,CALI WARANCADENA wuxuu 2009-kii ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumadii UDUB ,hadii shirka ay beeli leedahay uufara geli ku sameeyana wuxuu ku bwaayi lahaa kursigiisa wasiirnimo,oo hadii uu xitaa shirkaasi GAR ADAG khalad u arkaayey in uu ka aamuso waxa ku kalifay waxay ahayd isagoo ilaalshanaya maslaxadiisa gaarka ah iyo kursigiisa wasiirnimo.


Maantana cali warancade waa wasiirka daakhiliga ee xukuumadda siilaanyo,waxaana saaxiibayaal marka hore iga xasuus ah hanka siyaasadeed ee warancade waa mid ku eg xil wasiirnimo oo kaliya oo aan wax kale xeerin,sidaasi daradeed wuxuu ku khasban yahay in uu ogolaado wax yaabo badan oo ay ka biya diideen wasiiro badan oo dhigiisa ah,waxana taasi u dadiil ah,wasiirada xukuumada siilaanyo kala badh in ka badan ayaa ka soo jeeda beelaha HABAR MAGAADO, dhamaantood siilaanyo wuu u yeedhay waxana uu u sheegay in wasiir waliba uu dhaq dhaqaajiyo salaadiinta iyo odayaasha beeshiisa,oo uu ku aduun bixiyo si ay salaadiintaasi iyo odayaashaasi saxaafadda uga hadlaan oo ay u canbaareeyaan shirka beelaha HABAR MAGAADO.

Hadana waxa muuqata in uu wasiir waran cade oo kali ahi fuliyey ajandihii uu siilaanyo u soo bandhigay wasiirada beelaha HABAR MAGAADO,oo waxa warbaahinta ka hadlay salaadiin iyo odayaal ka soo jeeda bariga hargeysa oo uu dabada ka riixayo wasiir waran cade ,hormoodna u ahaa SULDAAN XIIRAY oo canbaareeyey shirka maalaha HABAR MAGAADO oo ku sheegay shir qabyaaladeed.

Saladiintaasi iyo odyaahsaasi waxaan odhan lahaa hamiga iyo damaca siyaasadeed ee beelaha HABAR MAGAADO maaha mid aynu ku bedelan karno wasiirnimada waran cade.

Markaa kadibna markaan arkay fudaydka iyo hubsiimo la’aanta salaadiinta iyo odayaasha ku dhacday waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Markii calamka la qaatay 1960-kii hargeysa waxay ahayd magaalo kooban guryaheedun awaxay u badnaayeen laba laba makhsin oo iska daba gal ah , oo mid la sii dhex maro , marka hablaha la is weydiisanayana waxa la gogli jiray inanta gurigooda ,waxana isku iman jiray odayaal ka soo kaal jeeda labada dhinac.

Hadaba waxa dhacday in maalin maalmaha ka mid ahayd oday la odhan jiray XAYD oo reer hargeysa ahaa beeshoodu ay u soo geed fadhiisatay beel kale ,iyagoo galbinaayey wiil dhalinyaro ahaa oo doonayay in uu reerka kale ka guursado ,XAYD iyo raggii kale ee la socdayba waxay fadhiisteen makhsinkii danbe ee loo gogley , markii inantii la is weydiistay ee yaradkii iyo gabaatigiiba ay bixiyeen XAYD iyo odayaashii la socday ,ayuu XAYD suuliga galay iyadoo gabaatiga qaybtii loo soo celin lahaa aan weli la soo celin.
XAYDNA dabeecadbuu lahaa oo marka uu suuliga galo hore ugamuu soo biix jirin ,waxaanu ahaa nin hunguri badan qoladoodiina mabay sugine markii gabaatiga qyabtoodii loo soo celiyey waxay yidhaahdeen waanu tegaynaaye XAYD ha naga daba yimaado marka uu suuliga ka soo baxo ,waxaana markiiba halkii uu XAYD fadhiyey ee uu qaadkiisu yaalay u soo guuray oo soo fadhiistay nin ka soo jeeday xaga inanta XAYD intii uu suuliga ku jirayna wuu xisaabtabayey ,waxaanu xisaabinayey qaybta gabaatiga loo soo celiyo iyo saamiga uu isagu ka heli doono marka uu lacagta u qaybiyo raga goobta fadhiyey.
Hadaba XAYD markii uu suuliga ka soo baxay wuxuu soo galay makhsinkii oo qoladoodii cidi ka joogin had iyo jeerna marka aad makhsin soo gasho ay daahyo ku xidhan yihiin hore wax uma aragtid XAYD markii uu halkisii fadhiistayba wuxuu hadal dhegta u saaray ninkii isaga ku xigay oo uu qoladoodii moodayo ,waxaanu ku yidhi WAAR KUWAN GUNTA AHI IMISA AYAY LACAGTII INOO SOO CELIYEEN,ninkii inta uu yaabay ayuu yidhi YAA YAA YAA waar maxaad tidhi odagii XAYD inta uu naxay ayuu arkay in aan qoladoodiiba cidi meesha ka joogin oo ay tageen intii uu suuliga ku jiray ,ninkan uu is yidhi la faqna uu yahay reerkii ay la xidideen.

Hadaba markii ay arintu halkaasi maraysay XAYD wuxuu ninkii ugu jawaabay ANIGA HA I FADHIDO oo uu macanaheedu yahay hadalkaasi khaladka ahi ama meel ka dhaca ahi ee aan idhi waa mid aniga igu kooban ee qoladayadu igulama socoto ,hadaba waxa looga fadhiyaa in ay salaadiinta iyo odayaasha ka soo jeeda bariga hargeysa ay ku yidhaahdaan SULDAAN XIIRAY iyo WARAN CADE waxaa aad tidhaahdeen idiinkay idin fadhidaa ee anagu idinkulama jirno.

Qoraa:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured