Gar-naqsi Madaxweyne Siilaanyo ku cabirayo Natiijada Shirkii Ingiriiska

0
Thursday May 09, 2013 - 19:55:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gar-naqsi Madaxweyne Siilaanyo ku cabirayo Natiijada Shirkii Ingiriiska

    Hargaysa (xogreebnews.com) Anigoo ah madaxweynaha Somaliland wanaag iyo guul ayaan u rajaynayaa shirka, balse kama qayb gali karno madal lagu inkirayo taariikhdayadda iyo xaqiiqadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews.com) Anigoo ah madaxweynaha Somaliland wanaag iyo guul ayaan u rajaynayaa shirka, balse kama qayb gali karno madal lagu inkirayo taariikhdayadda iyo xaqiiqadda Gar-naqsi Madaxweyne Siilaanyo ku cabirayo Natiijada Shirkii Ingiriiska
Hargaysa (xogreebnews.com) Anigoo ah madaxweynaha Somaliland wanaag iyo guul ayaan u rajaynayaa shirka, balse kama qayb gali karno madal lagu inkirayo taariikhdayadda iyo xaqiiqadda aanu ku nool nahay. Mandaqadda Geeska Afrika muddo dheer waxay ahayd gobolka ugu xasiloonidda daran dunida. Waxa aafeeyay oo uu ku suntan tahay, colaado, caddaadis, macaluul, argagaxiso iyo budhcad-baddeed.


Siddaa darteed waa astaan rajo wanaagsan muujinaysa in 50 dal iyo urur ay ku shirayaan London todobaadkan si ay iskula-qaadaa-dhigaan sidii looga caawin lahaa dawladda cusub ee Somalia inay mustaqbal wanaagsan u jeexdo bulshaddeeda. Shirkan heerkiisu sarreeyaa wuxuu ina tusayaa in Somaliya ay hadda caalamku u soo jeestay. Dawladda cusub waxay u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay u dhisi lahayd hay’adaha dawliga ah iyo dhaqaalaheeda naafoobay.

Furashadii uu Ingiriisku uu bishii hore uu Muqdisho ka furtay safaaradiisu waxay muujinaysaa in amaanku uu si aayar aayar ah uga soo raynayo, inkastoo dhawaan weeraradii argagaxisadda ahaa ee Muqdisho ka dhacay ay iyaguna ina tusayaan heerka uu gaadhsiisan yahay caqabadaha hor yaala.

Somaliland shirka wanaag iyo samo ayay u rajaynaysaa. Dareenka bulshadda caalamka ee kordhay iyo taageeradda Somaliya iyo guud ahaan mandaqadda oo dhan waa mid u dan ah cid kasta, Balse anagoo aad uga xun, kama qaybgalayno. Taas macnaheedu maaha in aanu wax calool-xumo ah u hayno Ingiriiska ama Somaliya, oo labaduba shirka martigalinaya.
Ingiriisku wuxuu ahaa saaxiibadda ugu dhawdhaw aadbaananu uga mahadnaqaynaa taageeradooda deeqsinimadda leh ee ay noo fidiyaan. Waxaanu sidoo kale hadda xidhiidh cusub la yagleelnay dawladda cusub ee Somaliya. Macnaha dhabta ahi wuxuu yahay in aanaan ka qaybgali karayn shir Somaliland aan u aqoonsanaya meeqaankeeda gaarka ah, ama aan kor u qaadayn dagaalka aanu muddada dheer ugu jirnay sidii aanu bulshadda caalamka ugu heli lahayn ictiraaf.

Waa mid aan aqoonsahay in ay ku adkaato inay fahmaan dadka aan u dhuun-daloolin waxna ka ogeyn taariikhda iyo siyaasadda cakiran ee gobolkani leeyahay. Somaliand illaa iyo hadda waxay ururadda caalamiga ahi ula dhaqmaan ismaamul-goboleed ka tirsan Somaliya, balse tani waa mid iska indha-tiraysa taariikhda iyo xaqiiqda jirta labaddaba. Labadayadda dal waxay ahaayeen kuwo kala qaybsan illaa iyo 1960 kii ka dib markii uu dhacay, go’aan masiibo ah, balse ahaa mid aan nalagu khasbin, in aanu la midawno Somalia. Runtii anagu waxaanu madaxbannaanidayada ka qaadanay dawladda Ingiriiska ka hor intii aanay Somalia ka qaadan Talyaaniga. Midawgaas oo illaa bilawgiiba ahaa mid aan lagu liibaanin, ayaa gabi ahaanba kala dhacay ka dib markii uu rijiimkii Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey uu dagaal axmaqnimo ah ku qaaday shacabka Somaliland, sanaddadii 80-meeyaddii oo ay 50,000 oo qof oo aan waxba galabsan ay naftoodii ku waayeen. Somalia markii ay ku dhex siibatay qalaalaase, Somaliland waxay sannadkii 1991 kii fursad u heshay inay marlaab hanato oo mustaqbalkeeda taabka ku dhigto.
labataankiin sannadood ee ugu danbeeyay, waxaanu ka shaqaynay in aanu dhisno dawlad dimuqraadi ah oo xasiloon. Waxaanu samaynay hay’addo dawladdeed oo shaqaynaya oo ay ku jiro ciidanka booliska iyo ciidammadda qalabka sidda. Illaa iyo 2000, waxaanu qabanay shan doorasho oo qaran, oo ay goob-joogayaasha caalamiga ahi ku tilmaameen kuwo xor iyo xalaal u qabsoomay, kuwaasi oo talladda loogula kala wareegay si nabadgalyo ah. Dawladdayadu waxay samaysay inay hablaha iyo inamadda waxbarashadda dugsiga hoose lacag-la’aan looga dhigo.Waxa horumar laga sameeyay in la yareeyo dhimashadda caruurta iyo gudniinka fircooniga ah. Maalgashiga shisheeye ayaa bilaabaya si uu taageero uga geysto xoojinta iyo dhismaha dhaqaalahayga. Xaqiiqdii way jiraan cawaaqib badan oo na hor-yaala oo ay tahay in aanu ka gudubno. Somaliland wali waa dal sabool ah— wakhti ayay qaadataa in laga soo kabto saamaynta burburka leh ee ay sababeen dagaaladaas foosha-xumaa. Balse anagoo ka dhignay dalkayaga dalsan dhinaca maamul-wanaaga, nabadgalyadda, iyo xasiloonidda mandaqadda Geeska Afrika, waxaanu dhabaha u xaadhaynaa mustaqbal wanaagsan oo ay ku naaloodo dalkayaga iyo shacabkayagu. Mustaqbalkan waxa ka mid ah xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelano jaarkayaga Somalia. Waxaanu si firfircooni ku jirto uga qayb-qaadanay wada-hadaladda, sannadkii hore, waxaan heshiis la saxeexday madaxweynahii hore ee Somalia Shariif Axmed, kuwaas oo ujeedadiisu ahayd sidii kalsooni loo dhisi lahaa lana horumarin lahaa xidhiidh wanaagsan oo labadda dal yeeshaan. Bishii April 13 keedii ee sannadkan, waxaan kula kulmay Madaxeyne Xassan Sh. Maxamuud magaaladda Ankara taas oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu sii anba-qaadi lahaa wada-hadalada.
Waxaanu dejinay ajande aanu kaga wada shaqaynayno la dagaalanka argagaxisnimadda, xagjirnimadda, budhcadbadeednimadda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, sunta xeebaha lagu daadiyo iyo danbiyada kale ee culus. Iskaashigaasi umaha oo kaliya muhim labaddayada dal, balse waa mid u leh mandaqadda iyo guud ahaan dunnida. Iskaashigaani waa mid u baahan heshiis iyo ictiraaf caalami ah oo si kama-danbays ah looga gaadho meeqaanka siyaasaddeed ee Somaliland.
Ma weydiisanayno inta kale inay fursan noo siyaan waxay Somaliland noqon doonto, balse waxaanu doonaynaa in la aqoonsado oo kaliya waxa 20 sannadood ee ugu danbeeyay ay Somaliland qabsatay. Laga soo bilaabo illaa 1960 kii illaa iyo 1991 kii waxaasnu fursad siinay midnimadda. Si foolxun ayay u duntay. Waxaanu hadda go’aansay mustaqbalkayga. Waxaanu u qalanaa in fursad naloo siiyo in aanu gaadhno himiladdayada.
taasi waa sababta, inkasta oo aanu wanaag u rajaynayno shirka London, aanaan uga qaybgalayn. Waxaananu rajaynaynaa in aanu si dhakhso u qaadano doorkayaga aanu ku dhisayno nabad-galyadda iyo horumarka guud ahaan Geeska Afrika anaggoo ah xubin buuxda oo inta kale la siman.xogreebnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured