Aas Qaran oo Maanta Hargeysa Loogu sameeyey Maareeyihii Wargeyska OGAAL

0
Thursday August 07, 2014 - 19:17:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas Qaran oo Maanta Hargeysa Loogu sameeyey Maareeyihii Wargeyska OGAAL

    Hargeisa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariistee maareeyihii wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Cabdiweli Faarax Jaanbiir ayaa maanta gelinkii hore si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha naasa hablood ee bariga H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariistee maareeyihii wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Cabdiweli Faarax Jaanbiir ayaa maanta gelinkii hore si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha naasa hablood ee bariga H

Hargeisa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariistee maareeyihii wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Cabdiweli Faarax Jaanbiir ayaa maanta gelinkii hore si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha naasa hablood ee bariga Hargeysa.

IMG_3867

Marxuum Cabdiweli oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanayay, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan, suxufiyiin tiro badan, culimo aw diin, abwaanno iyo dad kale oo tiro badan.

IMG_3870

Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb-gashay aaska marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa tacdi u diray guud haan ehelkii iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Cabdiweli, isla markaana waxay ay ilaahay uga baryeen inuu denbigiisa dhaafo, jannada fardawzana inuu ka waraabiyo.

IMG_3871

Inkasta oo qoraallada danbe aanu idiinku soo gudbin doonno taariikhda Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo dhammaystiran, haddana rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdiweli wuxuu ka mid ahaa odoyaasha saxaafadda Somaliland. Waxa lagu xasuusa doonaa inuu ahaa nin furfuran, kaftanyahan ah, isla markaana dadka wax bari jiray. wuxuu ahaa dadka ilaahay hibada u siiyey tarjumaadda buugaagta iyo qoraalada afka ingiriisiga ku qoran.

IMG_3912

Ilaahay ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaanbiir muddooyinkan wuu xanuusanayay, isagoo todobaadyadii ugu danbeeyey ku jiray cusbitaalka ku yaalla Hargeysa oo uu shalay galab ku geeriyooday, ilaahay qabriga ha u nuuro, jannada fardawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo guud ahaab bahda warbaahitana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

IMG_3909

Mar labaad bahda Oodweynenews.com tacsi tiiraanyo leh ayay u dirayaan guud ahaan intii uu ka gaariooday gaar ahaan qoyskiisa oo uu ugu horreeyo walaalkii Muuse Faarax Jaanbiir.IMG_3873IMG_3868IMG_3869




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured