Boqorka Beelaha Magaadle Oo Ka Hadlay Khilaafkii Dhexmaray Isaga Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade.

0
Thursday August 07, 2014 - 19:14:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Beelaha Magaadle Oo Ka Hadlay Khilaafkii Dhexmaray Isaga Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade.

    Hargeisa(xogreebnews.com- Boqorka guud ee beelaha Habar Magaadle, Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay warar ay saxaafaddu baahisay toddobaadkan, kuwaasi sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com- Boqorka guud ee beelaha Habar Magaadle, Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay warar ay saxaafaddu baahisay toddobaadkan, kuwaasi sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Hargeisa(xogreebnews.com- Boqorka guud ee beelaha Habar Magaadle, Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay warar ay saxaafaddu baahisay toddobaadkan, kuwaasi sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde. Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, isaga oo xusay in Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde ay xilka uu hayo ka hor saaxiib ahaayeen, imikana ay saaxiib yihiin. Boqorka guud ee beelaha Habar-Magaadle, oo Caawa la hadlay saxaafadda, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Wax khilaaf ahi nagama dhexeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaanan beeninayaa wararka lagu baahiyey warbaahinta ee ah inuu khilaaf na soo kala dhex galay, aniga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaan leeyahay, waxaasi waxba kama jiraan”Boqor, Maxamuud Cismaan Nuur, waxa uu tilmaamay in Wasiirka arrimaha guduhu ka mid yahay ummada uu Madax-dhaqameedka u yahay “Wasiirku wuxuu ka mid yahay ummadda aan boqorka u ahay, waalidkana u ahay, waxaana naga dhaxaysa wada shaqeyn, maadaama oo aanu nahay Madax-dhaqameed, isaguna yahay Wasiirka arrimaha gudaha”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Haddiise kaftan na dhex maray, muu ahayn sida ay warbaahintu u qortay, Wasiirnimada iyo xilka uu hadda hayo ka horna saaxiib ayaanu ahayn, imikana saaxiib-baanu nahay”Boqorka, Maxamuud oo sii hadlay ayaa sheegay in aanay wasiirka arrimaha gudaha isku qaban wax la xidhiidha beelaha Habar Magaadle “Shir Habar Magaado iyo hawlo la xidhiidha oo aanu isku qabanay ma jirto Wasiirka arrimaha gudaha…”ayuu yidhi, Boqorka guud ee beelaha Habar Magaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured