Dawladda Jabuuti Oo Si Qarsoodi Ah Xuduudka Somaliland Ugu Daadisay Maxaabiistii Ay Qaadatay Oo La Jidh-dilay.

0
Thursday August 07, 2014 - 19:11:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Jabuuti Oo Si Qarsoodi Ah Xuduudka Somaliland Ugu Daadisay Maxaabiistii Ay Qaadatay Oo La Jidh-dilay.

    Saylac(xogreebnews.com- Dawladda Jabuuti ayaa 2/08/2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor int

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylac(xogreebnews.com- Dawladda Jabuuti ayaa 2/08/2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor intii aanay soo Saylac(xogreebnews.com- Dawladda Jabuuti ayaa 2/08/2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor intii aanay Qaraxa ka fulin Dalkooda. Ilo wareedyo xogogaala ah ayaa noo xaqiijiyay in Lixda Maxbuus ee la soo celiyey si arxandaro ah loo jidh dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo halis ah oo qaarkood Naafeeyey, kuwo kalena Xiska(Maskaxda) ka Dilay. Halka mid ah mid ah Maxaabiistaas ay Jabuuti iyo Somailand isku gudbiyeen uu u Geeriyooday Jid Dilkii lagu sameeyey dartii, kaasoo Ishawarkan aanu ka helnay sheegtay in uu yahay wiilkii ka shaqayn jiray Xawaaladda JUBBA.

Warkan ayaa daboolka ka qaadaya in laba ka mid ah Lugaha iyo Gacmo isweydaar ahi bakhtiyeen ama go’eenba, halka mid ka mid ah uu waashay, balse laba ka mid ah aan illaa hada la ogayn khasaaraha jidheed iyo Maskaxeed ee soo gaadhay mid toona.Warkan ayaa intaas ku daraya in laba gaadhi oo ka mid ah kuwa Sirdoonka Jabuuti maxaabiistan lagu soo celiyey Somaliland lagaga soo talaabiyey magaaladda Lawyacado, isla markaana la soo lugaysiiyey, halka markii Dawladda Jabuuti qaadanaysay diyaarad khaas ah lagaga qaaday madaarka Hargeysa.Ilo wareedka warkan aanu ka helnay waxa uu sheegaya in Lixda Maxbuus markii Somaliland lagu soo wareejiyey mid kasta si gaar ah loogu xidhay xabsiyada Goboladda Dalka si aan loo ogaan soo celintooda iyo dhibaatada ay qabaan ee ka soo gaadhay Jidh Dilkii lagu sameeyey.Xukuumada Somaliland ayaanan wax tafaasiil aha ka bixin arrintan arxandaradda ah ee xukuumada Jabuuti kula kacday muwaadiniintan ay xukuumada Somaliland u gacaan gelisay sirdoonka jabuuti.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured