Kenya oo shaacisay inay qabatay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab

0
Wednesday August 06, 2014 - 19:46:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shaacisay inay qabatay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab

    kenya(xogreebnews.com-Wargeyska The Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa shaacisay in xaafada Islii lagu qabtay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab kaas oo dawo usoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kenya(xogreebnews.com-Wargeyska The Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa shaacisay in xaafada Islii lagu qabtay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab kaas oo dawo usoo
kenya(xogreebnews.com-Wargeyska The Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa shaacisay in xaafada Islii lagu qabtay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab kaas oo dawo usoo raadsaday gudaha Kenya.Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xanafi Xasan ayaa lagu qabtay isagoo kujira isbitaal lagu daweynayay oo ku yaala xaafada islii ee magaalada Nairobi.Ciidamada loogu yeedho Argagixiso la dirirka ayaa qabashada Xanafi Xasan ku tilmaamay mid muhiim ah iyagoo tuhmanahan hada ku haya kuna maraanmaraya goob aan la shaacinin.Qoraalka The Nation ayaa lagu sheegay in la aaminsan yahay in sarkaalkan gacanta lagu hayo uu ku dhaawacmay weerar dhowr isbuuc ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho balse xaaladiisa caafimaad oo kasii dartay ay ku qasabtay in dawo usoo raadsado dalka Kenya maadaama dhaawiciisu yahay mid aad khatar u ah
Baarayaasha gacanta kuhaya ayaa la sheegay inay su’aleen sida uu ku jaclaystay inuu la soo xidhiidho dhakhaatiirta Kenya uuna isku dayo in Kenya uu ku noolaado isaga oo aan la ogayn
Laamaha amaanka ayaa ku dedaalaya inay ogaadaan cidii Kenya kala shaqeynaysay.
Qaar kamid ah eagga ka shaqeeya saxaafada Soomaalida ayaa ku waramaya in Xasan Xanafi uu ahaa wariye ka shaqeyn jiray idaacada Andalus.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured