Imaatinka Madaxwayne Ismaciil Cumar Geelle ee Minneapolis, maxay ku salaysan tahay

0
Wednesday August 06, 2014 - 19:21:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaatinka Madaxwayne Ismaciil Cumar Geelle ee Minneapolis, maxay ku salaysan tahay

    Sidaan wada ognahay Madaxwayne Ismaaciil wuxuu ahaa hindisahii Soomaali wareeriyay ee 4.5 inay wax ku wada qaybsadaan keenay ulana dan lahaa inay Soomaali ku sii burburto kana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaan wada ognahay Madaxwayne Ismaaciil wuxuu ahaa hindisahii Soomaali wareeriyay ee 4.5 inay wax ku wada qaybsadaan keenay ulana dan lahaa inay Soomaali ku sii burburto kana Sidaan wada ognahay Madaxwayne Ismaaciil wuxuu ahaa hindisahii Soomaali wareeriyay ee 4.5 inay wax ku wada qaybsadaan keenay ulana dan lahaa inay Soomaali ku sii burburto kana dambeeyay dhibka siyaasadeed ay maanta Soomali oo dhan la jahwareersan tahay isla markaasna faragalin dheeraad ah ku sameeyay qabiiladii Soomaaliyeed oo 4.5 wax ku wada qaybsanaayay waagii shirkii Carta isagoo kuraastii xildhibaanada ee beelaha Dir Koonfur ay xaq u lahaayeen ka wareejiyay una weeciyay beeshiisa Ciise iyadoo aan wada ognahay in beesha Ciise ay Koonfurta Soomaliya degaan ku lahayn.Waxaa kale oo marag madoonta ah in Gooni isu taaga Somalilland carqalada ugu horeeysa inuu isaga yahay isla markaasna isku dayo inuu hanto madaxda xisbiyada ka jira Somalilland xag dhaqaale isagoo ka damacsan in uu mariyo jidkii uu mariyay Soomalida koonfureed taas oo ayaan daro ku ah shacabka Somalilland halgankii ay u soo galeen gooni isu taaga iyo nabada ay maanta haystaan.

Waxaan wada ognahay in Ciidankii uu u soo diray Hiiraan ee qayb ka ahaa Amisom ka dib markii ay yimaadeen Hiiraan ka bilawday colaado qabiilo wada dega aan hore uga dhici jirin taasoo keentay in si sharci daro ah ay hub ku siiyeen ciidan beeleed si dagaalkaas uu u dhaco taasoo sharciga Amisom ay ku joogaan Soomaliya ku xad gudbay dhibaatooyinkii beniaadanimo iyo gumaadkii loo gaystay Kabxanleey iyo Deefow ay ilaa maanta taagan tahay isagoo sheeganaya in uu Soomaliya wax u qabtay muhiimadiisana ay ahayd si uu dhaqaale uga helo Beesha caalamka.
Gabagabadii waxaan idiin waydiinayaa Soomaaliyeey sababta uu Madaxwayne Ismaaciil Cumar u doonayo inuu Minneapolis yimaado damacsan yahay inuu la kulmo Soomaali maxay tahay.Qorshaha siyaasadeed uu damacsan yahay maanta waxay tahay inuu ka shaqeeyo siduu ku burburin lahaa dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed isagoo damacsan inuu u gacan haatiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee daafaha adduunka maalgashtay ugu yeero inay maalgashi ku sameeyaan wadanka Djibouti taasoo ah qiyaano kale oo ku socota shacabka Soomaaliyeed waana mid aan uga digaayo.
Diyaariyay: Aqoonyahanada Muna Cabdi Cusmaan (Caluuq)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured