Wasiir Muslim Ah Oo Xasuuqa Qaza Iskaga Casilay Dawladda Ingiriiska Iyo Jawaabta Ra’isal Wasaare Cameron

0
Wednesday August 06, 2014 - 19:14:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Muslim Ah Oo Xasuuqa Qaza Iskaga Casilay Dawladda Ingiriiska Iyo Jawaabta Ra’isal Wasaare Cameron

    London(xogreebnews.com-— Wasiirkii Xafiiska Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska Baroness Sayeeda Warsi oo ahayd haweenaydii u horreysay ee Muslim ka mid noqda golaha wasiirrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-— Wasiirkii Xafiiska Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska Baroness Sayeeda Warsi oo ahayd haweenaydii u horreysay ee Muslim ka mid noqda golaha wasiirrada London(xogreebnews.com-— Wasiirkii Xafiiska Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska Baroness Sayeeda Warsi oo ahayd haweenaydii u horreysay ee Muslim ka mid noqda golaha wasiirrada dalkaasi, ayaa xilkeedii iskaga casishay xasuuqa ciidammada Yuhuuddu u gaysteen shacabka Falastiin ee Qasa.Warsi oo warqadda iscasilaadeeda u gudbisay Ra’iisal-wasaaraha dalkaasi Salaasadii maanta, waxay sheegtay in aanay u adkaysan karin siyaasadda Ingiriiska ee ku wajahan xasuuqa Israa’iil ka wado Qasa, waxaanay tidhi, “Intaa wax ka badan ma sii taageeri karo siyaasadda dawladda ee Qaza. Afartii toddobaad ee u dambeeyey waxaan waxaan sameeyey wax kasta oo aan awood oo isugu jira kulmo rasmi ah iyo kuwo aan ahayn oo aan isku dayayey inaan kaga dhaadhiciyo dawladda in aan siyaasaddayada waqtigan ee Qasa ahayn mid la difaaci karo, taas oo saamayn xun nagu yeelanaysa dibadda iyo gudaha labadaba.”

“Haseyeeshee, waxaan dareemay in aan mowqifka dawladdu mid dhaqaaqaya ahayn, sidaa darteed, waxaan aaminsanahay darteed waa in aan is casilaa,” ayey tidhi Wasiir Warsi.Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron oo ka jawaabay iscasilaada iyo dhaliilaha wasiirkiisii xafiiska arrimaha dibadda, caddaaladda iyo bulshada, ayaa sheegay inuu ka xun yahay arrintaasi, isagoo qiray in waxa Qasa ka dhacay tahay waxaan loo dulqaadan karin.“Aad baan u qoomamaynayaa in aanaan awoodin ka hadalka go’aankaaga hadda ka hor, waan dareemayaa dareenkaaga xooggan ee la xidhiidha qalalaasaha waqtigan ee Bariga Dhexe, xaaladda Qasa waa mid aan loo dulqaadan karin,” ayuu yidhi Cameron.Haseyeeshee, Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Liberal-ka Nick Clegg, ayaa difaacay tallaabada ay isku casishay wasiirka muslimka ahi, isagoo sheegay in Israa’iil ka gudubtay heerkii caadiga ahaa, isla markaana waxa uu soo jeediyey in dawladda Ingiriisku kala noqoto Israa’iil liisamada hubka ay kaga iibiso.
Geesta kale, xabad-joojin 72 saacadood ah oo ay gaadheen Xamas iyo Israa’iil ayaa dhaqangashay subaxnimadii Salaasaddii, iyadoo ciidammada Yuhuuddu iskaga baxeen marinka Qasa, kadib khasaare culus oo ka soo gaadhay weerar ay ku hayeen magaalada Qasa muddo 29 maalmood ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured