Daawo: Kongo Dal Qani Ah Oo Taariikh Madoobi Ku Lamaan Tahay — Filim Dokumentar Ah Oo Laga Diyaariyey Taxanihii Dawladeed Ee Dalkaas (Video).

0
Wednesday August 06, 2014 - 16:29:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Kongo Dal Qani Ah Oo Taariikh Madoobi Ku Lamaan Tahay — Filim Dokumentar Ah Oo Laga Diyaariyey Taxanihii Dawladeed Ee Dalkaas (Video).

    Oslo(Xogreebnews) Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo waxa uu dhacaa badhatamaha qaarada Afrika, waa dalka ugu bedka wayn xilligan qaaradda. Dalkani waxa uu ilaahay ku manaystay macdan iyo nimco kale oo ay ka mid yihiin dalsan, biyo iyo kaymo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oslo(Xogreebnews) Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo waxa uu dhacaa badhatamaha qaarada Afrika, waa dalka ugu bedka wayn xilligan qaaradda. Dalkani waxa uu ilaahay ku manaystay macdan iyo nimco kale oo ay ka mid yihiin dalsan, biyo iyo kaymo, waana dalkii dunida ugu wax soo saarka

Oslo(Xogreebnews) Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo waxa uu dhacaa badhatamaha qaarada Afrika, waa dalka ugu bedka wayn xilligan qaaradda. Dalkani waxa uu ilaahay ku manaystay macdan iyo nimco kale oo ay ka mid yihiin dalsan, biyo iyo kaymo, waana dalkii dunida ugu wax soo saarka badnaa macdanta kobarka, iyaga dahabka, dheemanka iyo dhagxaanta kale ee qaaliga ahi way tiro beeleen.

Nasiibdarro dadka dalkaas waa loo baaheeyaa, waxa bariinsaday musuqmaasuq iyo dagaalo sokeeye. Dawladihii kala dambeeyey ee dalkaas soo maray waxay ahaayeen qaar loogu hayey xukunka ilaalinta danaha wadamadii guranayey nimcada dalkaas iyo intii kula shuraakowday ee dalka u dhalatay.

Ma jirin hogaamiye ka horyimi danaha reer galbeedka, kadib dilkii Batrik Lamumba oo ahaa halgamaa ka dhiidhiyey bililiqada lagu hayey dalkiisa, iyada oo la adeegsanayo xubno faro ku tiris ah, bulshada inteedii badnaydna ka baahan tahay.

Dilkiisu illaa hadda waa ku hal-xidhaale dunida, wararka ugu dhawdhaw ee laga hayo dilkiisu waxa weeye in Beljimku dilay, dabadeedna maydkiisii Asiidh ku ridqay. Waa ta Somalidu ku heestay “Lamumba ma dhiman mana noola”.

Haddaba, waxa aanu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa filim dokumentar ah oo laga diyaariyey qanninimada dalka Kongo iyo taariikhdiisa madow, si aad u daawato filimka fadlan riix link-gan hoose:

Heart of Darkness - War in the Congo/History of Congo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured