Madaxweyne Obama Oo Shirka Madaxda Africa iyo Maraykanka Kaga Dhawaaqay 33 Bilyan Oo Uu Africa Ku Maalgelinayo

0
Wednesday August 06, 2014 - 16:25:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama Oo Shirka Madaxda Africa iyo Maraykanka Kaga Dhawaaqay 33 Bilyan Oo Uu Africa Ku Maalgelinayo

    Washington(Xogreebnews) Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, ayaa Shirka Madaxda Africa iyo maraykanka uga socda Washington ka sheegay in Maraykanku Africa lagu maalgalinayo Lacag gaadhaysa 33 Bilyan oo Doolar. Waxa uu sheegay inuu doonayo in Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington(Xogreebnews) Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, ayaa Shirka Madaxda Africa iyo maraykanka uga socda Washington ka sheegay in Maraykanku Africa lagu maalgalinayo Lacag gaadhaysa 33 Bilyan oo Doolar. Waxa uu sheegay inuu doonayo in Africa ay wada yeeshaan wada shaqayn saaxibtinimo oo dhinaca horumarka iyo iskaashiga ganacsiga ah.

Washington(Xogreebnews) Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, ayaa Shirka Madaxda Africa iyo maraykanka uga socda Washington ka sheegay in Maraykanku Africa lagu maalgalinayo Lacag gaadhaysa 33 Bilyan oo Doolar. Waxa uu sheegay inuu doonayo in Africa ay wada yeeshaan wada shaqayn saaxibtinimo oo dhinaca horumarka iyo iskaashiga ganacsiga ah.

“Waxyaabaha Ugu sareeye ee aanu Balanqaadnay waxaa ka mid ah; in maanta Maraykanku Kordhinayo Balanqaadyadii aanu samaynay oo aanu ka dhigayno Saddex Boqol oo Milyan oo Doolar($300M) Sanadkiiba.sidoo kale waxa jiri doona 12Bilyan oo ah Balanqaadyo cusub oo aanu ku dhawaaqnay Todobaadkan. Waxaanu sidoo kale hirgalinaynaa Lacag isku gaynteedu gaadhayso 26 Bilyan oo Dollar oo Africa lagu xoojin doono.” Ayuu yidhi Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Dhaqaalaha Maraykanku siinayo Africa badankiisu ka imanayo Shirkaddo waaweyn oo maraykan ah, sida Coca Cola iyo General Electric. Waxa uu sheegay inay Africa dhinaca Korontada ka taageeri doonaan islamarkaana sahli doonaan sidii Xaafaddaha iyo Ganacsiyadda yaryar ee Africa u heli lahaayeen Koronto ku filan.

“ Muhiimadda dhabta ah ee Maraykanku leeyahay waxay tahay in Africa la maalgashado, islamarkaana waxaanu maanta sharxaynaa ka dawlad ahaa iyo Saaxiibadeena ahaanba Balanqaadyada aanu samayno 33-ka Bilyan Waxa lagu taageeri doonaa Horumarka Africa iyo Shaqooyinka maraykanka. Ilaa 10,000 Shaqo ayaa waxay taageeraan sidii ganacsiga Africa loo horumarin lahaa. Dhawrka maalmood ee Shirweynahani socodana waxaynu ku Falaqayn doonaa sidii loo wada shaqayn lahaa”

Maraykanka 50 Madaxda Africa ka mid ah ayaa Shirweyne ku leh Washington, taasi oo lagu tilmaamay shirkii ugu balaadhaan ee Madaxda Africa iyo maraykanka dhex mara. Maraykanka ayaa maalgalinta Africa uga dan leh tartan uu kula jiro Shiinaha oo hore maalgalin uga sameeyay wadamo badan oo Africa ah, ganacsi fiicana ku leh Africa, sida ay sheegayaan dadka Odorosa Siyaasadda iyo ganacsiga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured